Weerarro kala duwan oo ayaa lasoo wariyey in saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen gobolka Shabeellaha hoose ee koonfurta Soomaaliya iyo sidoo kale gobollada Mandheera iyo Gaarisa oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa saaka ka dhacay 2 qarax oo sida la sheegay, dagaallamayaasha Al-Shabaab ay la beegsadeen kolonyo ka tirsan ciidanka dowladda oo ka baxay Ballidoogle kuna sii jeeday degmada Afgooye.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey, in qaraxyadaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 4 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, halka 6 askari oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Xogtu waxa kale oo ay xaqiijisey in 2 gaari oo ku gaashaaman ah noocooduna yihiin Taw, ay ku shuf-beelleen qaraxyadaasi saaka ka dhacay duleedka Afgooye.
Sidoo kale mintidiintu waxey habeennimadii xalay dagaal culus ku mireen xerada ciidamada Midowga Afrika ee degmada Jannaale.
Waxa kale oo jira, qarax ay xoogagga dagaallamayaashu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen agagaarka deggaanka Cambareey ee degmada Buulo Mareer.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, qaraxan ayaa lala beegsaday kolanyo ciidamo Afrikaana ah. Waxaana halkaasi ku gubtay gaari Taw ah.
Isla gobolka Shabeellaha hoose, waxaa shalay ka dhacay qarax ay kooxdu ka fulisay gudaha magaalada Marka, kaas oo lala eegtay fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda.
Xogta aanu ka helnay qaraxaasi ayaa xaqiijisay, in ay dhinteen ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Gobolka Mandheera, waxaa isna ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay, weerar culus oo kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday xero ciidamada Kenya ku leeyihiin deggaan Sheekh Barrow ee degamada Lafeey.
Gobolka Gaarisa, weerar culus oo la xaqiijiyey in ay fuliyeen dagaallamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu qaaday xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Gisireeb ee degmada Ijaara.
