Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo laga adkaaday xisbigiisii Jamhuuriga, ayaa hambalyo u diray Xisbiga Dimuqraadiga kaddib guulaha uu ka gaaray doorashooyinkii xilliga dhexe ee Mareykanka, isagoo wareysi telefoon ah siiyay telefishinka CBS News.
Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Dimuqraadiyiinta, balse wuxuu xusay inuu awood u leeyahay inuu sharciyada ay soo gudbiyaan ku hor istaago diidmada qayaxan (Veto), haddii aysan wada shaqayn.
Dhanka kale, Trump ayaa guuldarrooyinka Jamhuuriga (Republicans) ku sababeeyay inuusan isagu ka mid ahayn musharraxiinta doorashada, isagoo ku dooday in haddii magaciisu ku jiri lahaa codbixinta ay Jamhuuriyiintu si fudud u guulaysan lahaayeen.
Wuxuu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah musharraxiinta Jamhuuriga aysan taageero ka haysan saldhigga codbixiyeyaasha taageera xisbiga, isla markaana dad badan oo taageerayaashiisa ah aysan u soo bixin codbixinta sidii la filayay.
Trump ayaa intaas ku daray inuu dadaal badan geliyay sidii uu musharraxiinta xisbigiisa uga caawin lahaa inay guulaystaan, balse aysan taasi u suurtagelin.
Si kastaba, natiijooyinkii ugu dambeeyay ee la shaaciyey maanta oo bishu tahay 4-tii Nofeembar 2026 waxay muujinayaan in Xisbiga Dimuqraadiga (Democrats) uu guulo waaweyn ka gaaray doorashada, gaar ahaan Aqalka Senate-ka.
Shalay ayay ahayd markii Maraykanka ay ka qabsoontay tartan doorasho oo loo galay dhammaan 435-ka kursi ee Golaha Wakiillada iyo 35 kursi oo ka mid ah 100-ka kursi ee Aqalka Senate-ka, iyadoo sidoo kale la dooranayey guddoomiyeyaasha 36 gobol.
Doorashadu waxay ahayd mid lagu cabbirayey taageerada shacabka ee Madaxweyne Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga. Dimuqraadiyiintu waxay ku guulaysteen aqlabiyadda labada aqal ee Kongareeska, taas oo caqabad siyaasadeed ku noqonaysa Trump inta ka harsan muddadiisa xilka.
