Jihaadiyiinta Al-Shabaab waxay maanta weerar jid-gal ah u dhigeen kolonyo maleeshiyaad ah oo ku socdaalayay duleedka saldhigga Ballidoog ee gobolka Shabeellada hoose.
Inta ilaa hadda la xaqiijiyey, ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkan.
Sidoo kale ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in 2 baabuur oo kuwa dagaalka ah oo ay ka mid ahaa kolonyadii maleeshiyaadkan lagu gubay weerarkan dhabba-galka ah.
Wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonaa insha Allaah….
