SAWIRRO: Dhisme 13 biyaano ah oo ganacsato Soomaali ah ku lahaayeen Nairobi oo dumay.

Saturday October 24, 2026 - 05:52:37
MeMO Staff
Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in musiibo ay ku habsatay qaar kamid ah ganacsatada soomaaliyeed ee ku sugan xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Dhisme dabaq ah oo ka koobnaa 13 biyaano ayaa si lamafilaan ah uburburay waxaana burburkaas ka dhashay khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed intaba.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah shilkan ayaa dhacay xilli laysku diyaarinayay salaaddii Jimcaha, dhismaha burburay oo ladoonayay in dhowaan xarigga laga jaro ayaa gebi ahaantiisba burburay.

Muuqaal argagax leh oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ilbiriqsiyadii uu dabaqu burburiyay iyadoona la arkayay dad isaga cararaya goobta.

Dadka la la'yahay ayaa ubadan ganacsato danyar ah oo daba hoostiisa ku lahaa ganacsiyo yaryar oo ubadnaa miisas iyo gaari gacmeedyo.

goobta musiibadu ka dhacday ayaa laga maqlayaa dadka Ashahaadanaya oo dalbanaya in lacaawiyo oo lagasoo badbaadiyo burburka hoostiisa.

Goob-joogayaal ka ag dhawaa dhismaha burburay ayaa ka sheekeeyay sida ay wax udhaceen iyo waxa sababay in dhismahan 13-da dabaq ka kooban uu si lama filaan ah uburburo.

Ciidamada dab damiska iyo kuwa gurmadka degdegga Kenya ayaan gurmad wanaagsan usameyn dadka musiibadu ku dhacday ee weli ku hoos xanibay burburka hoostiisa.

Wadanka Kenya ayaa ka mid ah dalalka ugu musuq maasuqa badan qaaradda Afrika wuxuuna musuqu si aad ah ugu dhax faafay injineerrada guryaha dhisa qandaraasyada ku qaata lacago boqolaal kun oo dollar ah kadibna si khiyaano ah udhisa guryaha.

Related Items

Update cookies preferences