SAWIRRO: Daadad ay dad & duunyo ku dhinteen oo ku dhuftay deegaanno ka tirsan Mudug.

Thursday October 22, 2026 - 06:18:26
MeMO Staff
Roobabka Deyrta ee ka da'aya qaar ka mida gobollada dalka Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in ay geysteen musiibooyin saameyn ku reebtay dadka iyo duunyada.
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka ayaa sheegaya in kumanaan kun oo neef ay ku bakhtiyeen roobab saacado badan ka da'ayay degmada Bursaalax iyo duleedkeeda.

Daadad ka dhashay roobabka ayaa burburiyay deegaanka Afgub waxaana halkaas ku dhintay 1 qof halka lasoo badbaaday dhowr ruux oo ay daadadku latageen,sidoo kale biyaha ayaa qaaday kumanaan kun oo neef Ari ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in boqolaal qoys ay banaanyaal yihiin kadib markii ay fatahaaduhu soo burburiyeen guryahoodii islamarkaana ay laayeen xoolihii ay dhaqanayeen.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay biyaha daadadka oo ku sigtay in ay ka sare maraan geedaha laharsado.

Related Items

Update cookies preferences