Ismariwaaga siyaasadeed ee udhaxeeyay madaxda maamulka Ashahaadda ladirirka ah ee isku magacaabay Hirshabelle ayaa gaaray meeshii ugu sarraysay iyadoona dhinacyadu ay billaabeen kala tag.
Yuusuf Dabageed oo ah madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabelle ayaa wareegtooyin uu soo saaray ku sheegay in uu xilal uga qaaday mas'uuliyiin isagoo kuwa kale magacaabay.
Dabageed wuxuu ceyriyay saraakiil xilal sarsare ka hayay gobolka Hiiraan kuwaas oo uu hore usoo magacaabay Cali guudlaawe.
Wareegto kasoo baxday madaxweyne ku xigeenkii maamulka Hirshabelle ayuu ku ceyriyay guddoomiyihii degmada Beledweyne isagoo dib umagacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo uu maalmo ka hor ceyriyay Cali Guudlaawe.
Cumar Cusmaan Calasoow oo madaxweynaha Hirshabelle horay umagacaabay ayuu xilka ka qaaday wuxuuna ku bedelay Maxamuud Cabdulle Bakaal.
Sidoo kale wuxuu shalay wuxuu waxba kama jiraan ka dhigay xilka qaadistii guddoomiyaha gobolka Hiiraan isagoona amar ku bixiyay in lacagaha baadda ah ee laga qaado jidgooyooyinka yaal magaalada Beledweyne iyo Matabaan lagu shubo qasnadda Beledweyne islamarkaana aan loo diri karin dhanka magaalada Jowhar.
Goodmiyaha uu casilay Cali Guudlaawe oo warbaahinta lahadlay ayaa ganafka ku dhuftay xilka qaadista Jowhar kasoo baxday wuxuuna ku goodiyay in Hiiraan uusan kasii mid ahaan doonin maamulka isku magacaabay Hirshabelle.
"Cali Guudlaawe waxaan leeyahay musharraxbaad tahay, xilna cid kama qaadi kartid, reer Hiiraan maant sidii hore maaha way isku duuban yihiin iyagaa ka shaqaynaya gobolkooda….” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Cali guudlaawe uu diiday tallaabooyinka uu qaaday Yuusuf Dabageed wuxuuna ku sifeeyay kuwa aan la aqbali karin, arrimahan ayaa imaanaya maalmo ka hor inta aan laqaban doorasha ku sheegta madaxda maamulka Hirshabelle.
