Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedyada waqooyi iyo Bari ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxda Villa Soomaaliya ay halkaasi ka bilaawday dhaq dhaqaaqyo ay ku boobayso dhulalka goofafka ee dadka deegaanku leeyihiin.
Kulan ay yeesheen dadka ku dhaqan deegaannada Cisalleey, Ceelcaddi illaa iyo Bashaqle ayay ku sheegeen in kooxda Gurguurte ay maleeshiyaad ku daadisay deegaannadoodana ay dhulka ka bilaabeen jeexidda godad waaweyn oo difaacyo ah isla markaana dhulalka qaar lagu billaabay cabir.
Odayaasha deegaanka waxay ku goodiyeen in ay la dagaallami doonaan maleeshiyaadka Villa Soomaaliya haddii ay kusii adkeystaan boobka dhulalkooda.
Madaxa kooxda Villa Soomaaliya ayaa horay dowladda dabadhilifka Turkiga usiisay dhul kuyaal Shabeellaha dhexe si ay uga dhisato saldhig laga diro dayax-gacmeedka.
