Al-Shabaab ayaa maanta hawl-gal qorshaysan oo ka fuliyeen inta u dhexeysa buuraha Galgala iyo deggaanka Balli-khadar ee buuraha Golis, la eegteen gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen saraakiil iyo askar ka tirsan maleeshiyaadka Puntland.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi uu ku dhintay mid ka mida saraakiisha maleeshiyaadka Puntland, kaas oo magaciisa lagu sheegay Shiine Gurxan.
Waxaa sidoo kale qaraxan oo ahaa mid aad u culus ku dhaawacmay ugu yaraan 4 askari, kuwaas oo laba ka mid ah ay ahaayeen saraakiil magacyadooda lagu sheegay Kabtan Maxamed Kacaan, iyo sarkaalka kale oo magaciisa lagu sooo gaabiyey Sumbul.
Dhinaca kale, xoogagga Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Shabeelada hoose ayaa galabta weerar culus ku qaaday xerada ciidamada Uganda ee deggaanka Danow.
Isla gobolka Shabeellaha hoose, waxaa maanta ka dhacay dagaallo lagu jabiyay maleeshiyaadka Villa Soomaaliya, kuwaas oo laba jeer ka dhacay daafaha magaalada Jannaale.
Sida ay xogtu tibaaxayso, waxaa jira khasaare maleeshiyada Gurguurte kasoo gaaray dagaalladan, kuwaas oo jihaadiyiintu ay ku sandulleeyeen in dib ay ugu laabtaan gudaha magaalada.
Geesta kale, faahfaahin ayaa laga helay khasaaraha weerar xoogagga Al-Shabaab ay shalay ku qaadeen xerada maleeshiyada Xasan Sheekh ee deegaanka Mubaarak.
Inta la xaqiijiyey, weerarkan waxaa ku naf-waayay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkan shalay lagu galay deggaanka Mubaarak.
