Khilaaf aad u xooggan oo marba marka ka dambaysay sii xoogaysanaya ayay wararku tibaaxayaan in uu ka dhex jiro dowladda Xabashida Itoobiya iyo maamulka Villa Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Machadka Horn Review oo ka faallooda arrimaha amniga Itoobiya, ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koonfur-galbeed Soomaaliya, ay diideen inay ku milmaan dagaalka siyaasadeed iyo kan militari ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo kooxda C/Casiis Laftagareen.
"Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Qaybta 3-aad ee qaybta ka ah AUSSOM, kuna sugan Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur-galbeed, waxay ka gaabsadeen in joogitaankooda loo adeegsado dagaalka ay Muqdisho kula jirto kooxaha ay isku hayaan awoodda, inkasta oo cadaadis lagu saaray inay sidaas sameeyaan.” Ayuu yiri Horn Review.
Waxa kale oo warbixinta machadku ka sanqarisay in sidoo kale ciidanka Xabashida Itoobiya ay ka biyo-diideen eedaymo kasoo yeeray kooxda Gurguurte oo tilmaamayay in Laftagareen iyo kooxdiisu ay ku milmeen jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Mowqifka Itoobiya ka qaadatay khilaafka Laftagareen iyo Gurguurte ayuu Machadka Horn Review ku tilmaamay arrin ciidamada Itoobiya ka ilaalinaysa inay ku milmaan dagaal aanay xakamayn karin natiijadiisa siyaasadeed.
"Itoobiya waxay raacaysaa waajibaadkeeda howlgalka AUSSOM, waxayna diiddan tahay inay la dagaallanto ciidamada taabacsan Laftagareen iyadoo la adeegsanayo fasiraad la ballaariyey oo waajibaadka howlgalka ah.” ayay tiri warbixintu.
Waxa uu tilmaamay machadku, in mowqifka Itoobiya uu yahay mid ku dhisan sal adag, isla markaana ciidmada Itoobiya ka fogaynaya in lagu eedeeyo waxa ka dhaca Baydhabo, oo ah meel qarka u saaran in ay gasho gacanta ciidamada Laftagareen.
Warbixintu waxay tilmaantay suurto-galnimada in khilaafka sii xumaanaya ee maamullada Addis Ababa iyo Muqdisho uu sababi karo in xiriirka labada dhinac uu hal mar go’o, waa haddii Gurguurte uu lumiyo ayay tiri, fursaddaha horyaalla ee uu haysto.
Horn Review waxa uu dhanka kale hoosta ka xariiqay in kooxda Laftagareen ay ku gacan-sarrayso dagaalka Koonfur-galbeed, isla markaana ay la wareegeen badi gobolka Baay, haatanna ay awood u leeyihiin in dhulal hor leh ay qabsadaan.
