Waxa loogu yeero Golaha Mustaqbalka oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland, ayaa si adag uga horyimid jadwal doorasho oo maalmo ka hor ay iclaamisay kooxda Villa Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu goluhu soo saaray ayuu ku sheegay inuu si weyn uga soo horjeedo jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, kaas oo uu sheegay in lasoo saaray xilli uusan jirin wax heshiis siyaasadeed ah oo laga gaaray arrimaha doorashooyinka.
Goluhu wuxuu sidoo kale sheegay in caawaqibka ka dhasha xaaladda siyaasadeed ee hadda taagan ay dhaawici karaan dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada, isaga oo walaac ka muujiyay kala qaybsanaanta siyaasadeed ee ka dhex aloosan guud ahaan daba-dhilifyada Soomaaliya.
Waxa kale oo bayaanka lagu caddeeyay in haddii Gurguurte uu ku adkaysto go’aannada halka dhinac ah, uu Goluhu qaadi doono tallaabooyin kale oo ay ku tilmaameen kuwo ay ku ilaalinayaan wax ay ku sheegeen xuquuqda shacabka iyo sharciyadda doorashooyinka.
Siyaasiyiinta mucaaradku waxay sidoo kale ka digeen in qof ama koox gaar ahi aysan go’aan ka gaari karin mustaqbalka siyaasadeed ee daba-dhilifyada Soomaaliya iyada oo aan la helin ayay yiraahdeen heshiis loo dhan yahay.
Waxa kale oo ay ka dhawaajiyeen in mas’uuliyadda ka dhalata go’aannada gurracan ee kooxda Villa Soomaaliya iyo cawaaqibkooda ay qaadi doonaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo cid kasta oo ku taageerta tallaabooyinkaasi.
Golahu waxay ugu dambayn ku baaqeen in si wadajir ah looga hor-tago ficillada gurracan ee Gurguurte, oo ay sheegeen in khatar ay ku yihiin midnimada Soomaaliya.
Khamiistii, ayay ahayd markii guddida doorashada ee kooxda Gurguurte ay ku dhawaaqeen in doorashooyinka heer federaal ee labad aqal ee baarlamaanka iyo madaxtooyada la qaban doono bartamaha bilaha April iyo May ee 2027.
