R/Wasaaraha kooxda Villa Soomalaiya Xamse Cabdi Bare ayaa maalinimadii shalay hadal isugu jira gaf iyo hanjabaad u jeediyay beesha Xawaadle Sheekh Maxamad oo ka mid ah beelaha daga gobolka Hiiraan kadib heshiiskii dhaxmaray iyaga iyo Al-Shabaab.
Xamse ayaa si bareer ah ugu gafay dhaqanka beesha isaga ku tilmaamay sida cudurka Eboolaha wuxuuna hay'adaha amniga ee Kooxda Villa Soomaaliya uu uga baaqay in lasoo xiro odayaashii dhawaan saxiixay heshiiskii ay la galeen jihaadiyiinta ee lagu soo afjaray colaaddii socotay afartii sano ee lasoo dhaafay.
"Niman waaweyn oo ugaasyo iyo nabaddoono sheeganaya, oo iyagoo reer hebel ah heshiisyo la soo gelaya nimankaasi…odayaashaasi u tagay Al-Shabaab Eboolo ayay qabaan ee iska ilaaliya, waxaanan farayaa hey’adaha amniga in odayaashaasi ay tallaabo adag ka qaadaan…” ayuu yiri Xamse.
Waxgaradka iyo dhaqanka beesha Xawaadle ayaa maanta shir jaraa'id oo ay ku qabteen dagmada Buula-Burde ee bariga gobolka Hiiraan kaga jawaabay hadalladaasi gurucan ee uu ku hadaaqay Xamse Cabdi Bare ee ka fog anshaxa iyo dhaqanka, iyaga sheegay in ay diyaar u yihiin in ay iska celiyaan Kooxda Gurguurte iyo waxa taabacsanba.
Waxay wacad ku mareen in in jawaab ka bixin doonaan hanjabaadda iyo aflagaadada kaga timid ra'sul wasaare-ku-sheegga kooxda Villa Soomaaliya.
"R/Wasaare-ku-sheegga Soomaaliya shalay qadaf ballaaran ayuu u geystay qoomiyadda Xawaadle, ….waxaanu isweydiinay inuu waashay iyo waa doqon’e in warka loo soo dhiibay. Waxaan leenahay waxaad hayso soo daa, waxa kaa soo horreeyaa waa Xawaadle…” ayay yiraahdeen Odayaasha Xawaadle.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan uu soo gabgaboobay shirweyne dhaxmaray Xarakada Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle, Kooxda Villa Somaliya ayaana dhaqan u leh in ay handaddo dhaqanka Soomaaliyeed ee kasoo hojrresta danaheeda ee ka shaqeeya maslaxadda dadka iyo deegaanada ay matalaan.
FG: Muuqaalka odayaasha oo dhamaystiran ka daawo linkigan hoose:
