Soomaaliya: In ka badan 2.1 milyan oo qof ayaa la sheegay in qasab looga saaray guryahooda.

Monday October 12, 2026 - 17:20:13
MeMO Staff
Heritage oo ah machad fadhigiisu yahay Muqdisho oo daraaseeya siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in in ka badan 2.1 milyan oo qof oo ku sugan gudaha Soomaaliya si qasab ah looga saaray guryahooda intii u dhexeysay 2017 iyo Sebtembar 2026.
Banaadir ayay warbixintu sheegtay inuu yahay gobolka ugu badan ee kiisaska noocan ahi ay ka dhaceen. Iyadoo sida warbixintu tilmaantay in 64 boqolkiiba kiisaska barakicinta qasabka ah ay ka dhacday Muqdisho, taas oo muujinaysa baaxadda dhibaato ee ka jirta magaalada iyo deegaanada ku xeeran.

Heritage ayaa sidoo kale xustay in muddadii u dhexeysay Abriil 2025 iyo Maarso 2026 la diiwaangeliyay 84 mudaharaad oo looga soo horjeeday boobka iyo barakicinta, iyadoo 78 ka mid ah ay ka dhaceen caasimadda Muqdisho. Mudaharaadyada qaar ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo weliba xarig.

Warbixintu waxay sheegtay in guri-ka-saarista qasabka ah ay qayb ka noqotay dhibaatada ballaaran ee barakaca ka jira gobolka Banaadir, iyadoo in ka badan hal milyan oo qof gobolka Banaadir si qasab ah looga saaray goobihii ay degganaayeen.

Sannadkii 2025 oo keliya, 143,548 qof ayaa dalka laga diiwaangeliyay inay wajaheen boobka iyo barakicinta uu Gurguurte ka wado dalka, iyadoo 44 boqolkiiba dadkaasi ay ku noolaayeen dhul ay dowladdu leedahay.

Heritage ayaa tusaale u soo qaadatay hawlgal barakicin ah oo dhacay bishii Luulyo 2025, kaas oo lagu banneeyay xaruntii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, waxaana si kedis ah uga barakacay ku dhowaad 120 qoys, qaar ka mid ah qoysaskaasna waxay goobta ku noolaayeen in ka badan 14 sano.

Kooxda Villa Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida ay warbixintu tilmaantay boob iyo barakac bahalnimo ah ku haysa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

Related Items

Update cookies preferences