Ciidamada Laftagareen oo si buuxda ula wareegay gacan-ku-heynta degmada Buurhakaba.

Thursday October 15, 2026 - 10:37:21
MeMO Staff
Ciidamada daacadda u ah C/Casiis Laftagareen ayaa saaka dagaal culus kula jarmaaday maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya ee ku sugnaa degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Dagaal culus kadib, ciidamada Laftagareen ayaa la xaqiijiyey in ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta degmada Buurhakaba, iyadoo muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada lagu arkayay iyagoo ku dhex roondaynaya gudaha magaalada.

Wasiirrada Warfaafinta iyo Amniga ee maamulka CabdiCasiis Laftagareen oo muuqaal isaga soo duubay gudaha magaalada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay la wareegeen magaalada, iyagoo maleeshiyaadka Guguurte ee duurka u firxaday-na ugu baaqay inay isa soo dhiibaan.

Sidoo kale muuqaallada ayaa laga dheehan karaa shacabka deggaanka oo si weyn u soo dhawaynaya ciidanka la wareegay magaalada, iyadoo la arkayo qaar ka mida tiknida Laftagareen ee hubka culus saaran yahay oo dhex socota degmada.

Ugaas Xasan, afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ee garwadeenka uu ka yahay CabdiCasiis Laftagareen, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay waaberigii saaka abbaaro ku dhawaad salaaddii subax hawlgal ka bilaabeen magaalada Buurhakaba.

Muuqaallo kale oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya maleeshiyaad fara badan oo safaf dhaadheer ku jira oo la sheegay in ay yihiin maxaabiis laga qabtay maleeshiyaadka Gurguurte ee ku sugnaa Buurhakaba, iyadoo dhanka kale weli aanaan helin tirada dhimasho ama dhaawac ee ka dhashay dagaalkan saaka.

Buurhakaba waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo ku teedsan waddada weyn ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, waxaanay gacan-ku-haynteedu ay saameyn weyn ku leedahay dhaq-dhaqaaqa ciidamada, gaadiidka ganacsiga iyo marin-u-helidda magaalada Baydhabo.

Goobta ay magaaladu ku taallo waxay ka dhigan tahay in isbeddel kasta oo ku yimaada cidda maamusha uu saameyn ku yeelan karo dhaq-dhaqaaqa ciidamada, sahayda iyo isu-socodka dadka rayidka ah ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Tallaabadan ayaa ah isbeddel weyn oo ku yimid loollankii ka jiray Koonfur Galbeed, waxaanay qabashada Buurhakaba daba socota kadib markii ciidamada daacadda u ah Laftagareen ay dhowr cisho ka hor la wareegeen degmada Qansaxdheere.

Related Items

Update cookies preferences