Diyaarado Drones ah oo duqeeyey ciidamada Eratariya ee gudaha u galay Itoobiya.

Thursday October 08, 2026 - 14:23:03
MeMO Staff
Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah diyaaradaha Drones-ka ku beegsatay ciidamo Eritariyaan ah oo ku sugnaa waqooyiga Gobolka Tigray, sida ay sheegtay AFP, oo soo xigatay goobjoogayaal iyo hay'ad la socota colaadaha.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayay xogtu tibaaxaysaa in sidoo kale ay habeennimadii xalay qaadeen duqeymo dhowr ah, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo Erateriyaan ah oo gaaray magaalo ku taalla waqooyiga Gobolka Tigray.

Iyadoo ciidanka Itoobiya uu ku guuleystay inuu iska caabiyo fallaagada Tigray, ayaa ilo-wareedyo soo baxay Arbacadii shalay ay xaqiijiyeen in cutubyo ka tirsan ciidanka maamulka Asmara lagu arkay hareeraha magaalada Adigrat, oo ku dhow xadka Eritariya.

Hay’adda ACLED, ee la socota colaadaha, ayaa sheegtay in magaalada Adigrat, oo ku dhow xadka Erateriya, lagu qaaday duqaymo ay fuliyeen diyaaradaha Drones-ku, kuwaas oo lagu beegsaday ciidamo Eratariyaan ah iyo sidoo kale saanad millateri oo ay wateen.

Goobjooge la hadlay AFP ayaa sheegay in ay dhaceen "duqeymo aad u tiro badan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, isagoo intaas ku daray in qaar ka mid ah gaadiidkii xamuulka ee Eritrea la burburiyay.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa mar kale xumaaday bilihii u dambeeyay, kaddib markii labada dal oo dagaal xuduudeed uu dhiig badani ku daatay oo dhex maray 1998–2000 ay dib u soo nooleeyeen khilaafaadkooda.

Eritrea ay horaantii bishan Oktoobar xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya, kaddib markii Addis Ababa ay xirtay safaaraddeeda Asmara isla markaana ay dalka ka cayrisay 10 diblomaasi Eritrean ah. Waxaana jira walaacyo laga qabo in dagaalkani uu ku fido gobolka oo dhan.

Related Items

Update cookies preferences