72 qof oo u dhashay Suudaan ayaa lagu dilay duqayn diyaaradeed oo ay fulisay Masar.

Monday October 12, 2026 - 09:49:21
MeMO Staff
Ugu yaraan 72 qof oo macdan-qodayaal Suudaani ah ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo la sheegay in ciidamada Masar ay ka fuliyeen goob dahabka laga qodo oo ku taalla gobolka buuraleyda ah ee waqooyiga Suudaan, oo ku dhow xad-beenaadka Masar.
Emergency Lawyers, oo ah hey’ad diiwaangelisa xadgudubyada ka dhaca dagaalka Suudaan, ayaa xaqiijisay weerarkan iyo sidoo kale tirakoobka hordhaca ah ee dhimashada dadka, iyadoo fulintiisana ku eedaysay ciidanka millateriga Masar.

Warar weli aan la xaqiijin oo ay soo tebisay warbaahinta Sudan Tribune ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay kor u dhaafayso 200 qof, halka boqollaal qof oo kalena ay dhaawacmeen.

Maamulka Qaahira weli wax war ah oo rasmi ah kama soo saarin eedaynta loo jeediyey. Weerarkan ayaa noqday kii labaad ee sanadkan ka dhaca dhulkan buuraleyda ah, gaar ahaan deegaanka Jabalul-cuqaydaat oo ah goob dahabka laga qodo.

Ku dhawaad afar bilood ka hor ayay ahayd markii duqayn tan la mid ah ay dowladda Masar ka fulisay isla aaggan, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 23 qof oo ka shaqaynayay goobta dahabka laga qodo.

Milatariga Masar ayaa xilligaas qirtay weerarkaasi, kaas oo ay ku sifeeyeen hawlgal ka dhan ah wax ay ku sheegeen qodista dahabka sharci-darrada ah.

Saahdin-beenaadka u dhexeeya Suudaan iyo Masar ayaa lagu muransan yahay, iyadoo labada dal ay sheeganayaan lahaanshiyaha aagga saddex-geesoodka ah ee Xaalaayib, oo sida la sheegay hodan ku ah macdanta qaaliga ah.

Related Items

Update cookies preferences