Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, halka 309 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerar gelinkii dambe ee Sabtidii shalay Xuutiyiintu ay ay ku qaadeen garoonka caalamiga ah ee ugu weyn caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.
Weerarku wuxuu dhacay xilli dalka Sacuudiga oo ku yaalla Gacanka Faaris uu wajahayay qaar ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee muddo sannado ah ka dhaca, kuwaas oo ay fulinayeen maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Iran taageerto.
Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka ee dalka Sacuudiga ayaa saaka shaacisay in dadka dhintay ay ku isugu jireen afar qof oo Sacuudiyaan ah, laba qof oo Bangaladesh ah, halka lixda qof ee kalena ay u kala dhasheen Maraykanka, Masar, Urdun, Suuriya, Falastiin iyo Suudaan.
Weerarkan ayaa ah kii saddexaad ee toddobaadkan lagu qaado Garoonkan Caalamiga ah ee Riyadh, kuwaas oo dhammaantood ay fuliyeen kooxda Xuutiyiinta Yemen ee gacan-saarka la leh dowladda Shiicada Iiraan.
Waxa la sheegay in weerarkani uu yahay kii ugu dhimashada badnaa ee Sacuudiga lagu qaado muddo ka badan toban sano. Waxaanay wararku tibaaxayaan in nidaamka digniinta ee dalka Sacuudigu uusan wax digniin ah ka bixin weerarkan.
Hay’adda duulista rayidka ayaa sheegtay in dadka dhaawacmay, oo ay ku jiraan qaar xaaladdoodu aad u liidato, loo daad-gureeyey cisbitaallo dhowr ah, kuwaas oo gurmadkooda ay ka qayb-qaateen baabuurta gurmadka deg-degga ah iyo weliba diyaaradaha qummaatiga u kaca.
Ingiriiska ayaa weerarkan ku tilmaamay mid culus, halka madaxweynaha Maraykanka Doland Trump oo fiidkii xalay la hadlay saxaafadda uu sheegay in weerarkani uu yahay mid aan la aqbali karin. Waxaana jira shirkado diyaaradeed oo baajiyey duullimaadyadooda.
Weerarka ayaa sidoo kale ku kallifay safaaradda Maraykanka ee Sacuudiga inay soo saarto digniin culus iyadoo muwaadiniinteeda ku boorrisay inay ka fogaadaan garoonkan diyaaradaha ee Riyaad iyo weliba deegaannada ku xeeran.
Dhowr cisho ka hor ayay ahayd markii isla garoonkan lagu qaaday labo weerar oo ay ku dhinteen dhintay afar qof, isla markaana uu burbur weyni soo gaaray diyaarad ganacsi oo Sacuudiyaan ah oo taagnayd dhabbaha garoonka.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli kooxda Xuutiyiinta ay wajahayso guluf dhinaca dhulka iyo cirkaba isugu jira oo Sacuudigu iyo isbahaysigiisu ay ka wadaan waddanka Yemen, kuwaas oo doonaya inay dib ugu soo celiyaan dhul fara badan oo kooxda ay dhawaan la wareegtay.
