Gurguurte oo qorshaynaya weerar hubka looga dhigayo siyaasiyiinta mucaaradka.

Thursday October 08, 2026 - 07:45:03
MeMO Staff
Madaxii hore ee kooxda Villa Soomaaliya ayaa shaaciyay in Xasan Gurguurte uu wado abaabul uu ku weerarayo xubnaha mucaaradka ah ee ku sugan xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
Isagoo shir jaraa'id u qabtay warbaahinta ayuu xaqiijiyay in kooxda Gurguurte ay diyaarisay maleeshiyaad hubeysan oo loogu talagalay in ay dilaan ama ay xireen siyaasiyiinta mucaaradka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay weerarkaas iyadoo marmarsiimo looga dhiganayo in uu kasoo laabtay dalka Imaaraadka Carabta oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo kooxda Villa soomaaliya.

Arrimahan ayaa kusoo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay wadanka Imaaraadka carabta kulamo uga socdeen inta badan madaxda mucaaradka waxaana la tuhunsan yahay in ay halkaas uga tashanayeen sida ay kuwa jahayaan siyaasadda Xasan Gurguurte.

Related Items

Update cookies preferences