Wargeyska Ingiriiska ee Independent ayaa tilmaamay in heshiiskii dhawaan dhex-maray Xarakada Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle uu muujinayo fashilka ku yimid kooxda Villa Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Warbixintu waxay sheegtay in maamulka Muqdisho uu haatan maraayo mid ka mida marxaladihiisii ugu adkaa uguna khatarta badnaa, xilli weliba xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee daba-dhilifyada Soomaaliya ay si isa soo tarayso uga sii darayso.
"Xaaladda siyaasadeed iyo amni ee gudaha ayaa si isa soo taraysa uga sii daraysa, dadaallada lagu dhisayo dowladnimada iyo hay’adaha federaalkana waxay la kulmayaan caqabado isdaba joog ah…” ayuu yiri wargeyska Independent.
Waxa uu wargeysku carrabka ku dhuftay in wakhti-xaadirkan ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo in gebi ahaan uu burburo maamulkii daba-dhilifka ahaa ee tacabka badan la geliyey, muddada badan lagu camcaminayay dadka iyo dalka Soomaaliya.
Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ee shisheeyuhu ay ka muujiyeen cabsida xooggan ayuu wargeysku ku tilmaamay heshiiska dhex-maray beesha Xawaadle iyo Xarakada Al-Shabaab kaas oo lagu soo af-jaray mad-madowgii iyo khilaafkii soo kala dhex galay labada dhinac.
"Xiisaddu waxay gaartay heerkii ugu sarreeyay markii ay soo baxeen calaamado muujinaya in beelo laf-dhabar u ahaa dagaalka lagula jiro jihaadiyiinta, ay u janjeedhsamaan dhinaca Al-Shabaab isla markaan ay heshiisyo la galaan…” ayuu sheegay wargeyska Independent.
Maleeshiyaadka macawisleyda ee beesha Xawaadle ayuu wargeysku xusay in iyagoo la safan kooxda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ay dagaallo culus oo la galeen jihaadiyiinta Al-Shabaab, balse arrintaasi ay haatan soo af-go’day kadib markii beesha iyo xarakadu ay heshiiyeen.
Cusmaan Maxamed Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed, ayaa wargeyska u sheegay in fashilka Villa Soomaaliya uu sababay in beeluhu ay heshiisyo la galaan Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanno ay ka mid tahay Maxaas. Isla markaana dadka deggaannadaasi ay joojiyeen dagaalkii ay kula jireen Al-Shabaab.
