Khasaaraha weerarro ka dhacay Banaadir & Gaarisa oo sii kordhay + weerarro kale.

Saturday October 10, 2026 - 13:58:21
MeMO Staff
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday khasaaraha hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiintu ay jimcihii shalay ka fuliyeen gobolka Gaarisa kula beegsadeen ciidamada Kenya.
Qaraxan oo khasaare kala duwan geystay ayaa si gaar ah uga dhacay wadada xiriirisa magaalada Gaarisa iyo degmada Dhadhaab.

Sida ilo-wareedyo ay sheegeen, gaariga Kooyalka ah ee qaraxu haleelay ayaa gabi ahaanba burburay, halka askartii la socotay ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

Inta la xaqiijiyey qaraxaasi waxaa ku qur-baxay taliyihii ciidamada booliska Kenya ee ee deeggaanka xagardheer iyo weliba darawalkiisii.

Sidoo kale waxay faahfaahin dheeraad ah laga helay khasaaraha hawl-gal qarax ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay habeen hore ku weerareen maleeshiyaad ku sugan gudaha Muqdisho.

Qaraxan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday fariisin ay maleeshiyaadka Xasan Sheekh ku leeyihiin xaafadda Xaawo Casir ee degmada Kaaraan.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi uu geystay dhaawaca ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka lagu weeraray gudaha caasimadda.

Xogta ayaa intaas ku dartay in labada askari ee la dhaawacay uu midkood ahaa taliyaha fariisinka la weeraray, kaas oo magaciisa lagu sheegay Mas'cuud.

Isla gobolka Banaadir, waxaa xalay ka dhacay qarax ay jihaadiyiintu la beegsadeen bar kantarool oo maleeshiyaadka Gurguurte ay ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa.

Sida ay xaqiijiyeen warar aanu ka helnay weerarkan xalay ka dhacay gudaha caasimadda, waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 3 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka la weeraray.

Related Items

Update cookies preferences