Xilli dagaallada ka holcaya waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobollada Tigreega, Canfarta iyo Amxaarada, ayay dowladda Uganda taageero kal iyo laab ah u muujisay xukuumadda Addis Ababa ee garwadeenka uu ka yahay R/Wasaare Abiy Axmed.
Taliyaha ugu sarreeya ciidanka difaaca Uganda ee UPDF, Janaraal Muhoozi Kainerugaba ayaa qoraal uu maanta soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ee X/Twitter ku sheegay in Uganda ay ka go’an tahay in Itoobiya ay ka caawiso dagaallada cusub ee ay wajahayso.
"Waxaa naga go'an inaan ka taageerno walaalaheenna Itoobiyaanka ah colaadahan cusub ee dalkoodu wajahayo…” ayuu yiri Janaraal Kainerugaba oo sidoo kalena ah wiilka madaxweynaha Uganda, baadariga lagu magacaabo Yuweri Musaveni.
Isagoo Janaraal Kainerugaba hadalkiisa sii wata ayuu intaasi sii raaciyey "Haddii hoggaanka Itoobiya ay codsadaan caawimaaddeenna, waxaan u diri doonnaa ciidanka difaaca Uganda ee UPDF oo ah ciidan aan laga adkaan karin.”
Taageerada uu taliyaha ciidamada Uganda u muujiyey dowladda Xabashida Itoobiya ayaa kusoo aadaysa xilli dagaal ba’ani ka socdo waqooyiga Itoobiya, isla markaana Addis Ababa ay xiriirrada diblomaasiyadeed u jartay dowladaha Masar iyo Eretariya.
