Wariye u dhashay Koonfur Afrika iyo qof deggaanka ah oo lagu la'yahay Jabuuti.

Monday September 21, 2026 - 09:50:26
MeMO Staff
Wariye u dhashay Koonfur Afrika oo sidoo kale haysta dhalashada dalka Ingiriiska, laguna magacaaabo Micah Reddy, iyo qof deggaanka ka tirsan oo caawinayay oo isna lagu magacaabo Kooki Maxamuud, ayay wararku tibaaxayaan in lagu la'yahay caasimadda Jabuuti.
Sida ay sheegtay RFI, oo ah idaacad caalamiya oo laga leeyahay Faransiiska, Micah Reddy, oo ah isku-duwaha Afrika ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Saxafiyiinta Baaritaanka (ICIJ) ayaa la sheegay in Khamiistii lasoo dhaafay uu hawlo shaqo u tagay dalka Jabuuti.

Xaaska wariyaha ayaa sheegtay in afar saacadood kadib taleefanka Reddy la damiyay, taas oo ay ku tilmaantay arrin ku dhalisay walaac xooggan. Kooki Maxamuud oo suxufigan caawinayay, isna waxa la xaqiijiyey in la waayey.

Reddy wuxuu deganaa hoteel ku yaalla magaalada Jabuuti ka hor inta aan la waayin. Waxaanay hooyada Reddy ay AFP u sheegtay in wada-hadalkii ugu dambeeyay ee ay la yeelatay wiilkeeda, oo dhacay subaxnimadii Sabtida, uusan ku muujin wax cabsi ah.

Mas’uul ka tirsan dowladda Jabuuti oo idaacadda RFI ay soo xigatay ayaa sheegay inuusan wax war ah ka hayn arrintan, halka mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga haya talada waddankaasi uu isna sheegay in arrintaasi "aanay run ahayn”.

Si kastaba ha ahaatee, marka loo eego xogta warbixintan, ilaa hadda lama hayo xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan halka iyo xaaladda ay ku sugan yihiin Micah Reddy iyo Kooki Maxamuud, cidda ay la joogaan ama sababta xiriirkoodu u go’ay.

FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:

Related Items

Update cookies preferences