Wargeyska Ingiriiska ee The Guardian ayaa sheegay in hawlgallada jihaadiga ah ee qaaradda Afrika, gaar ahaan Saaxilka, ay sannadkan gaari karaan heerkii ugu sarreeyey abid. Iyadoo si gaar ah u carabowday dagaallada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin (JNIM), ka waddo Mali, Burkina Faso iyo Niger.
"Hawl-gallada jihaadiga ah ee ka socda gobolka Saaxilka Afrika ayaa la filayaa inay gaaraan heerar taariikhi ah, kaddib weerarro ballaaran oo ay qaadday JNIM, sida lagu sheegay tirokoob cusub oo ay soo uruurisay hay’adda la socodka colaadaha ee ACLED.” Ayay tiri warbixintu.
Warbixintu waxay sheegtay in dagaalyahannada xiriirka la leh kooxda Al-Qaacida, ay weerarrada sii kordhinayaan xilli dowladda Maraykanku xusayso sannad-guuradii 25-aad ee weerarradii 11-kii Sebtembar lagu qaadday bartilmaameedyo ku yaalla Washington iyo New York.
Tirokoobyada ay soo uruurisay ACLED, oo magaceedu yahay Armed Conflict Location and Event Data, waxay diiradda saarayaan xudunta ugu weyn ee Jihaadiyiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin ee saddex dal oo kala ah Mali, Burkina Faso iyo Niger.
Saddexdan dal waxay ku yaallaan bartamaha gobolka istiraatiijiga ah ee Saaxilka, oo ah dhul ballaaran oo ay ku hardamayaan sida uu wargeysku xusay, dhinacyo kala duwan oo ay ugu tun weyn tahay Jamaacada Nusratu lslaam Wal-muslimiin.
Sida ay sheegtay hay’adda ACLED, sanadkan ilaa hadda, waxaa la diiwaangeliyey 2,145 dhacdo. Iyadoo wargeysku xusday in haddii isbeddelkan uu sii socdo bilaha soo socda, la filayo in tirada guud ee dhacdooyinka sannadkan ay si weyn uga badan doonto 3,000.
Bishii Abriil, weerar wadajir ah oo ka dhacay Mali, oo wada-jir ay u fuliyeen JNIM iyo kooxda ay gacan-saarka leeyihiin ee Azawad, ayaa lagu bartilmaameedsaday magaalooyin istiraatiiji ah, ciidamada dowladda iyo ciidamada murtazaqada Ruushka.
Weerarrada ayuu wargeysku sheegay in jihaadiyiintu ay u adeegsadeen weerarro gaadmo ah, baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka iyo duullaanno toos ah, waxaana ka dhashay khasaarooyin baaxad leh.
Wasiirkii gaashaandhigga Mali ayaa lagu dilay weerar naf-hur ah oo lagu qaaday hoygiisa oo ku yaalla magaalada Kati oo ay ku yaallaan saldhigyo millateri oo waaeyn, taas oo qiyaastii 14 km waqooyi-galbeed ka xigta caasimadda Bamako. Sidoo kale waxaa la dilay madaxa sirdoonka millatariga.
Weerarro kale ayaa lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Mali, halka lala wareegey magaalada istiraatiijiga ah ee Kidal, kaddib markii xoog looga saaray ciidamada Mali, isla markaana ciidan ka tirsan calooshood-u-shaqeystayaasha Ruushku ay is dhiibeen.
Wargeysku wuxuu sheegay in tan iyo markaas, JNIM ay sii ballaarinaysay dhulka ay ka maamusho Mali, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyey dishay askar badan iyo calooshood-u-shaqeystayaal Ruush ah, sidoo kalena hawlgalladeeda ku fidisay qaar ka mid ah dalalka deriska ah.
Ciidamada dowladda Mali iyo calooshood-u-shaqeystayaasha Ruushka ayuu wargeyska The Guardiyan ka dhawaajiyey in dil iyo gabood-fallo kale oo kala duwan ay u geysteen dad fara badan oo shacab ah oo ku nool deggaannada ay ciidamadan huwanta ah gacanta ku hayaan.
Sida uu wargeysku carabaabay, JNIM waxay sheegtay in sannadkan Burkina Faso ay ka fulisay in ka badan 130 weerar, iyadoo weerarradeedu kusoo dhawaanayaan Ouagadougou, caasimadda dalkaas. Sidoo kale Niger ayay Jamaacadu qirtay inay ka geysatay ugu yaraan 17 weerar.
FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:
