Maxaa kasoo kordhay marxaladda kala-guurka Soomaaliya, maxayse AFRICOM ka tiri awoodda jihaadiyiinta?

Saturday September 12, 2026 - 13:47:19
MeMO Staff
Africa Is a Country, oo ah madal Koonfur Afrikaan ah oo ku takhasustay falanqaynta arrimaha Afrika, ayaa warbixin ay diyaarisay ku sheegtay in Qaramada Midoobay iyo Mareykankuba ay dib uga guranayaan qaab-dhismeedka amniga, kadib markii uu fashilmay duullaanka gardarrada ah ee ku dhawaad labaatanka sano ka socda dalka Soomaaliya.
Kooxda uu garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo quus ka muujisay garab isataagga dalalka reer-galbeedka ayay warbixintu sheegtay in usbuucyadan u dambeeyey ay miciin-bideen ku dhawaaqista hadallo ay duruuftu ku qasabtay oo sheegaya inay diyaar u yihiin la-wareegista amnigooda haddii ay baxaan ciidamada shisheeye.

Waxay sheegtay warbixintu in uu jiro farqi weyn oo u dhaxeeya xaqiiqada dhabta ah ee taalla gudaha Soomaaliya iyo hadallada caal-waaga ah ee kooxda Villa Soomaaliya ay ku tilmaamayso inay awood u leedahay maaraynta marxaladda kala-guurka.

Sida warbixintu ay xustay, maalmo ka hor, kooxda Gurguurte waxay Muqdisho ku qabatay shir ku saabsan amniga oo ay ka qaybgaleen saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Gurguurte iyo wakiillo ka socday waxa loogu yeero beesha caalamka.

Shirku wuxuu ku soo beegmay xilli kooxdani wajahayso caqabado dhowr dhinac ah oo ay ka mid yihiin hoos-u-dhaca howlgalka Midowga Afrika, xiritaanka la filayo ee qaab-dhismeedyada taageerada caalamiga ah ee Villa Soomaaliya, iyo ismari-waaga siyaasadeed ee sii xoogaysanaya ee u dhexeeya maamulka Muqdisho iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

Arrimahan waxaa sii dheer sida ay sheegtay warbixintu, walaac kale oo sii kordhayay bilihii u dambeeyey oo ku saabsan hawl-gallada sii xoogaysanaya ee jihaadiyiinta Al-Shabaab iyo su’aalaha laga qabo in maleeshiyaadka Villa Soomaaliya ay awood u leeyihiin iyo in kale buuxinta firaaqa amni ee ka dhalan kara bixitaanka ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay shirka, La-taliyaha dhinaca Amniga u qaabilsan Xasan Gurguurte oo lagu magacaabo Aweys Xaaji Yuusuf, kaas oo isla markaana ah xubnaha aadka ugu dhow madaxtooyada, ayaa sheegay in ka soo afjaridda howlgallada caalamiga ah ee Soomaaliya ay tahay natiijada geeddi-socod muddo dheer soo jiitamayay, oo uusan ahayn go’aan si lama filaan ah loo qaatay.

Waxa kale oo uu sheegay in muddo ka badan afar sano ay socdeen wada-tashiyo iyo qiimeyn lagu sameynayay awoodda kooxda Villa Soomaaliya ay u leedahay inay si weyn ula wareegto maamulidda arrimaheeda.

Aweys intii uu hadalkiisa ku gudo-jiray waxa kale oo uu ka sanqariyey, in Villa Soomaaliya oo muddo badan war-moog ka ahayd xilliga ay awoodi doonto yaraynta ku-tiirsanaanteeda Qaramada Midoobey, ay ugu dambayn waayuhu u run-sheegeen kuna qasbanaatay shaacinta inay diyaar u tahay la-wareegista mas’uuliyadda amnigeeda, maadaama UN-ka iyo guud ahaan dalalka reer-galbeedku ay gacanta ka taagteen duullaanka ay kusoo qaadeen dalka Soomaaliya.

Xasan Gurguurte laftarkiisa ayay warbixintu xustay, in deggaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud uu dhawaan ka sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay baxayaan, isagoo carrabka ku adkeeyey in wixii haatan ka dambeeya aysan sii socon doonin ku-tiirsanaanta ciidamada shisheeye.

Madasha Africa Is a Country waxa kale oo ay ka sanqarisay in Soomaaliya ay wajahayso mid ka mid ah bixitaannadii ugu waaweynaa ee waxa loogu yeero beesha caalamku ay ku taageeraysay kooxda Villa Soomaaliya tan iyo markii quwadaha shisheeye ay bilaabeen, in ka badan labaatan sano ka hor, isku-dayga in Soomaaliya ay ka yagleelaan maamul daba-dhilif ah oo ku salaysan nidaam kasoo hor-jeeda ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.

Sid ay sheegtay warbixintu, hadda waxaa si isku mar ah u socda laba geeddi-socod, iyadoo tan koowaad ay tahay, mashruuca dhinaca siyaasadda ee loogu yeero Hawlgalka Kaalmada Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee (UNTMIS), oo lagu wado in hawlihiisa uu soo afjaro 31-ka bisha innagu soo wajahan ee Oktoobar ee sannadkan 2026, taasoo soo gabagabaynaysa marxalad kala-guur, oo laba sano ah, oo horey ay u codsatay kooxda Villa Soomaaliya.

Hawlaha UNTMIS ay qabanaysay waxaa ka mid ah, taageerada dib-u-habaynta dastuurka gacan-ku-rimiska ah loo camcamiyey kooxda Villa Soomaaliya, doorashooyinka, waxay ugu yeeraan xuquuqda aadanaha, hir-gelinta ku dhaqanka dimuqraadiyadda, horumarinta hay’adaha amniga, iyo isku-dubaridka waxay ku sheegaan kaalmada caalamiga ah.

Hawlahaasi ayaa la filayaa in dhamnmaadka bisha soo socta, mas’uuliyaddooda lagu wareejiyo kooxda Villa Soomaaliya iyo sidoo kale kooxda hey’adaha Qaramada Midoobay ee loo yaqaan "UN Country Team” ee ka hawl-gala gudaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin, UNDP, UNICEF, WHO, WFP, FAO iyo UNHCR.

Geeddi-socodka labaad ayaa ah, mashruuca dhinaca millateri ee hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaas oo warbixintu xustay in isna uu wajahayo xaalad qallafsan oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah oo sii xoogaysanaysa marba marka kasii dambaysa.

Isku soo beeganka xiritaanka hawlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay iyo hubanti la’aanta sii kordheysa ee ku saabsan mustaqbalka hawl-galka AUSSOM ayay warbixintu carabowday in ay ka dhigan tahay in Villa Soomaaliya ay bilaha soo socda ku waayi karto dhowr lakab oo taageero siyaasadeed iyo mid amni oo caalami ah, iyadoo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay sii xoogaysanayaan isla markaana joogitaan ballaaran ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dhacdadii ugu weynayd ayay warbixintu sheegtay inay ahayd go’aankii Maraykanku shaaciyey kowda bishii lasoo dhaafay ee Luulyo, kaas oo Midowga Afrika ku wargeliyay inuusan taageeri doonin UNSOS wixii ka dambeeya dhammaadka 2026, isla markaana uu ka hor imaan doono in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyo sii-wadista taageerada saadka ama hawlgalka Qaramada Midoobay ee isbahaysiga AUSSOM.

Sida ay sheegtay warbixintu, Yurub, oo muddo dheer ahayd laf-dhabarta dhaqaale ee hawlgalladii kala dambeeyay ee Midowga Afrika ka fuliyay Soomaaliya, ayaa iyaduna si weyn uga caga-jiidaya sii-wadista maal-gelinta ciidamdamada Afrikaanta.

Culeyska haysta AUSSOM ayay warbixintu ka sanqarisay inuu qayb ka yahay dib-u-gurasho ballaaran oo caalami ah oo ku yimid heerka taageerada caalamiga ah ee Villa Soomaaliya. Iyadoo albaabada loo laabay USAID iyo boqollaal xarumood oo hoostagayay, halka kuwo kalena ay qarka u saaran yihiin inay xirmaan.

Isla waqtigaas, waxa meesha ka baxaya ayay tiri warbixintu, hawlgalkii siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee sida gaarka ah nidaamka Muqdisho uga taageeri jiray arrimaha federaalka, doorashooyinka, garsoorka, dib-u-habaynta waaxda amniga iyo dhismaha hay’adaha.

Arrimahan is-barkan ayaa ka dhigan in mas’uuliyado badan oo aysan tabar u hayn kooxda Villa Soomaaliya ay ku khasbanaan doonto inay dhabarka u ridato, maadaama qaab-dhismeedkii ballaarnaa ee taageerada caalamigu ay si xawliya usii daciifayso.

Sida warbixintu sheegtay, beesha caalamku waxay sii kordhinayaan dalabka ah in kooxda Villa Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda arrimaheeda oo ay isku filnaato, xilli ay meesha kasii baxayaan maalgelintii dibadda, taageeradii saadka iyo taageeradii hay’adaha ee daba-dhilifyada Soomaaliya.

Inkastoo kooxda Gurguurte usbuucyadii u dambeeyey ay si rajo-beel ah u sheegaysay inay awood u leedahay la-wareegista mas’uuliyadda amnigeeda, haddana hadalladaasi ayay warbixintu sheegtay inay u muuqdaan kuwo la iska yiri oo aan waafaqsanayn xaqiiqada dhabta ah ee taalla gudaha dalka, maadaama horreyso iyo dambeetaba uusan muuqan wax horumar ah oo uu sameeyey nidaamka Muqdisho, oo meesha ka saari kara walaaca ku saabsan marxaladda kala-guurka Soomaaliya.

Waxay sheegtay warbixintu in waaqica dhabta ah ee aan indhaha laga laaban karin uu yahay, in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay maamulaan dhul ballaaran oo dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, halis weyn-na ay ku hayaan daba-dhilifyada Soomaaliya, isla markaana ay awood u leeyihiin in hawl-galladooda ay ku fulin karaan goobta iyo goorta ay doonaan.

Janaraal John Brennan, oo ah ku-xigeenka taliyaha AFRICOM, oo waraysi gaar ah oo uu siiyey Shabakadda Defence Web, ku sheegay in jihaadiyiinta ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay awooddoodu sii xoogaysanayso, isla markaana ay si fudud ula jaan-qaadayaan xaaladaha isbeddelaya, waxaanay awood u leeyihiin ayuu yiri, fulinta weerarro baaxad leh.

Waxa kale oo sarkaalkani uu ka dhawaajiyey in jihaadiyiintu ay sida biyaha oo kale uga gudbaan carqalad kasta oo ka hor-timaadda. Isagoo intaas ku daray in sidoo kale ay si weyn uga walaacsan yihiin horumarka jihaadiyiintu ay ka samaynayaan dhinaca tiknoolajiyadda.

The Soufan Center, oo ah hey’ad daraasaysa arrimaha amniga iyo waxa loogu yeero la-dagaallanka aragagaixisada, fadhigeeduna yahay magaalada New York, ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadlayso dhaqdhaqaaqa jihaadiyiinta ee 25-kii sano ee ka dambeeyey weerarrarkii Maraykanka ee 11-kii Sebtembar ee sannadkii 2001-da.

Warbixintan oo aad u dheer kana kooban 202 bog, ayaa qayb ka mid ah looga hadlay horumarka ay ku tallaabsadeen jihaadiyiinta Al-Shabaab, iyadoo si gaar ah warbixintan loogu soo beegay xilli Maraykanku uu xusayo 25 guurada kasoo wareegtay weerarradii isku sidkanaa ee Al-Qaacida ku qaadday dalka Maraykanka.

Waxyaabaha lagu xusay warbixinta waxaa ka mid ah, in Rubuc qarni kadib weerarradii 11-kii Sebtembar, Soomaaliya ay noqotay wax aysan ahayn maalintii weerarradaasi dhaceen, iyadoo isku bedeshay xuddun muhiim u ah dhaqdhaqaaqa jihaadiyiinta.

Al-Shabaab ayay warbixintu ka sanqarisay in tan iyo wixii ka dambeeyey muddadaasi ay sii xoogaysanayeen, haatanna ay leeyihiin awood ciidan iyo mid maamul oo ballaaran oo si weyn loogu kalsoon yahay.

The Soufan Center, waxay hoosta ka xariiqday in duullaannadii gardarrada ahaa ee Washington ku qaadday dalalka Islaamka ay ka dhalatay natiijo lid ku ah natiijadii Maraykanku uu filaayay, maadaama uu sare u kacay koboca awoodeed ee guud ahaan jihaadiyiinta caalamka.

Al-Shabaab ayay warbixintu xustay in ay fuliyaan weerarro laayaan ah oo marar badan ay cagta ku mariyeen xeryo iyo saldhigyo ciidan oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika iyo maleeshiyaadka kooxda riddada Soomaaliya.

Sidaas awgeed, Al-Shabaab waxay sannadihii 2007 ilaa 2025 ka mid ahayd ayay tiri warbixintu, afarta kooxood ee jihaadiga ah ee dunida dhimashada ugu badan u geystay cadowgooda. Isagoo hawl-galka Soomaaliya-na uu noqday midkii ay ugu dhimashada badnaayeen ciidamada Midowga Afrika, marka loo eego hawl-gallada kale ee caalamiga ah ee ay ka qayb-qaateen.

Warbixinta The Soufan Center, waxa kale oo ay carrabka ku dhufatay in duqaymaha cirka ee Maraykanku ka wado Soomaaliya aysan marnaba burburin karin nidaamka islaamiga ah ee caddaaladda iyo kala-dambaynta ku dhisan ee Al-Shabaab ay ka hir-gelisey koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:

Related Items

Update cookies preferences