Hay'adda Cunnada Adduunka ee waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ee WFP ayaa Talaadadii maanta sheegtay in dhaqaale-yari ay awgeed ay jartay kala bar waxa ay ku sheegto gargaarka cuntada ee ay ka bixiso Daanta Galbeed ee Yahuuddu ay xoogga ku haysato.
Sida ay sheegtay WFP, tallaabadan ayaa kusoo aaddaysa xilli baahidu ay sii kordhayso sababo la xiriira weerarrada iyo tacaddiyada Yahuudda lagu deggaameeyey dhulkaasi ay ku hayaan dadka reer Falastiin iyo sidoo kale hawl-gallada millateri ee maamulka Talaabiib uu ka wado aaggaasi.
WFP ayaa la sheegay in ilaa hadda cunto, foojarro cunto iyo lacag caddaan ah siinaysay 400,000 oo qof oo ku nool Daanta Galbeed, kuwaas oo intooda badan ku nool dhulka miyiga ah iyo koonfurta, oo ay ku jiraan tuulooyinka ku dhow magaalada Al-Khaliil.
Bayaan ay soo saartay WFP ayaa lagu sheegay in laga bilaabo bishan, gargaar-ku-sheegga ay bixiso hey’addaasi lagu soo koobayo 200,000 oo qof.
"Xannibaadaha adag ee dhaqdhaqaaqa, burburinta guryaha iyo barakicinta baahsan ee ka jirta Daanta Galbeed waxay wiiqeen hab-nololeedka Falastiiniyiinta, waxayna gacan ka geysteen kororka cunto-yarida,” ayuu Shaun Hughes, oo ah Agaasimaha WFP ee Falastiin, ka sheegay shir jaraa’id oo ka dhacay Geneva.
Isagoo agaasimuhu hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri "Waqtigan xaadirka ah, waa inaan kordhinaynaa gargaarkeena Daanta Galbeed, halkii aan ka jari lahayn taageeradan muhiimka ah ee dadka noloshooda ku tiirsan yihiin.”
Gargaar-ku-sheeggan ay bixiyaan dalalka reer-galbeedka, oo uu ku jiro Maraykanka, ayaa si weyn hoos ugu dhacay guud ahaan tan iyo sannadkii hore, iyadoo dalalkaasi mudnaanta siinayaan kharashaadka gudaha iyo difaaca dalalkooda.
Rabshadaha iyo qabsashada dhulka iyo ilaha biyaha ee ay geystaan Yahuudda lagu deggaameeyey Daanta Galbeed ayaa kordhay ku dhowaad saddexdii sano ee ka dambaysay weerarradii 7-dii Oktoobar ee ay Xamaas hoggaaminaysay ee lagu qaaday Yahuudda.
FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:
Iyo sidoo kale bartayada Facebook:
