Nusratul Islaam oo laga walaacsan yahay inay la wareegto galbeedka Afrika. [WARBIXIN]

Tuesday August 04, 2026 - 17:10:40
MeMO Staff
Machadka Daraasaadka Amniga ee Institute for Security Studies (ISS) ayaa warbixin cusub oo uu soo saaray kaga digay xaalado amni oo khatar ah oo uu sheegay inay kubbaarreeyeen dowladaha daba-dhilifyada ah ee ka jira gobolka Saaxilka, kadib markii jihaadiyiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay kor u qaadeen xirfadda iyo xeeladaha ay ku xoojinayaan halgankooda jihaadig ah.
Weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay bartamaha Saaxilka ayuu machadku sheegay in ay tilmaamayaan in gulufka jihaadiyiintu uu sii adkaanayo, kaas oo walaac aad u xooggan ku abuuraya dalalka dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

Nusratul Islaam iyo kooxda ay gacan-saarka leeyihiin ee Azawaad ayaa isku kaashaday weerarro ballaaran oo ka dhacay meelo kala duwan oo Mali ah 25-kii April. Weerarradan oo ka mid ahaa kuwii ugu weynaa ee fuliyaan tan iyo 2012, ayay warbixintu sheegtay inay muujinayaan awoodda sii kordheysa ee jihaadiyiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin.

Weerarradan ayay warbixintu xustay in ay sababeen dhimashada saraakiil badan oo ka tirsan dowladda sida Wasiirka Difaaca ee maamulka millateriga Mali Sadio Camara, iyagoo dhanka kalena jihaadiyiintu ay la wareegeen magaalooyin waaweyn oo istaraatiijiya sida Kidal iyo Tessalit ee waqooyiga dalka.

Sidoo kale 4-tii Luulyo, isbahaysiga Jihaadiyiinta iyo kooxda Azawaad ayay haddana mar kale ruqaansadeen, waxayna weerar isku mar ah ku qaadeen deggaanno iyo magaalooyin kale oo dalka ah, iyagoo meelaha ay qabsadeen ay ka mid tahay qayb ka tirsan magaalada Anefis, taasoo ku qasabtay ciidamada Mali iyo murtazaqada Ruushka inay isku urursadaan saldhiggooda millateri.

Inkastoo jihaadiyiintu ay maalmo badan kadib isaga baxeen Anefis, ayaa daraasaddu waxay ka sanqarisay in dhacdooyinkan ay muujinayaan in isbahaysiga Jihaadigu uu qayb ka yahay qaab hawlgaleed aad u nidaamsan, oo ay ku hormariyeen dagaalkooda.

Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin iyo Kooxda Azawaad ee ay is-garabsadaan ayuu Machadka ISS, uu si cad u sheegay inay caqabad ku yihiin awoodda dowladaha Saaxilka, waxaana suurtagal ah ayuu yiri, inay abuuraan xaalado u sahla in dowladahaas ay wiiqaan isla markaana ay ka takhallusaan.

"Iyadoo isbahaysigan jihaadiga ah uu laf dhuun gashay ku noqday maamulka millateriga Mali, haddana weerarro kale oo geesinimo leh oo ay fulinayaan kooxahan ayaa sidoo kale kusii kordhaya labada dal ee kale ee xubnaha ka ah Isbahaysiga Dalalka Saaxilka (AES).” Ayay tiri warbixintu.

Institute for Security Studies wuxuu sheegay in ay jiraan weerarro abaabulan oo si heer sare ah loosoo qorsheeyey oo jihaadiyiintu ay ka fuliyeen bariga iyo waqooyiga Burkino Faso, halka 18-kii Juun ee sannadkan jihaadiyiintu ay sidoo kale weerarro ka fuliyeen dalka Niger.

Sida ay sheegtay warbixintu, kororka weerarrada jihaadiga ah ee isku fidiyey jihooyinka kala duwan, bartilmaameedsiga kaabeyaasha muhiimka ah, adeegsiga tiknoolajiyad sii casriyoobaysaiyo ayaa muujinaya in hawl-gallada jihaadiyiintu ay galeen marxalad cusub oo istaraatiiji ah.

Machadku wuxuu ka sanqariyey in arrimahani ay muujinayaan fashilka dowladda, maadaama jihaadiyiintu ay caqabad ku noqdeen saldhigga awoodda dowladaha Saaxilka, isla markaana ay suuro-gal tahay inay abuuraan xaalado horseedi kara in dowladahaas la wiiqo ama gebi ahaanba lasoo afjaro.

Daraasadda ISS, waxay tilmaantay in aan marnaba la iska indho-tiri karin ifafaalaha muuqda ee ah in suuro-gal ay tahay in jihaadiyiintu ay la wareegaan qaar ka mida dalalkan, arrintaas oo haddii ay dhacdo, aan saameyn weyn ku yeelan doonin Saaxilka oo keliya, balse sidoo kale kusii fidi doona Galbeedka Afrika iyo meelo kale oo ka baxsan gobolka.

Warbixintu waxay hoosta ka xariiqday in is-fidinta jihaadiyiinta ee dalalka xeebaha leh, gaar ahaan waqooyiga Benin iyo Togo, iyo sidoo kale carqaladeynta marinnada ganacsigu ay muujinayaan awoodda sii laba-jibbaarantay ee Nusratul Islaam Wal-muslimiin.

FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:

Related Items

Update cookies preferences