Taliyaha ciidamada Maraykanka ee AFRICOM Janaraal Dagvin Anderson oo booqasho ku tagay waddanka Kenya ayaa sheegay in socdaalkiisu uu daaran yahay xoojinta xiriirka amni ee u dhexeeya Mareykanka iyo Kenya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Isagoo waraysi siinaya telefishanka Kenya ee Citizen TV, ayuu Janaraal Anderson uu sidoo kale ka dhawaajiyey in dowladda Maraykanku ay mashruuc horumarin ah ku waddo dhabbaha diyaaradaha ee Manda Bay, kaas oo saldhig u ah ciidamada AFRICOM.
Mar la waydiiyey sababta Maraykanka ku kalliftay mashruuca dhismaha Manda Bay, ayuu taliyaha AFRICOM ka sanqariyey in ay jiraan arrimo ay dowladda Maraykanku filayso in mustaqbalka dhow ay dhacaan, inkastoo uusan wax faahfaahin ah ka bixin.
Malaga yaabaa in mashruucani xiriir la leeyahay la-dagaallanka argagaixisada, oo mar kale la waydiiyey Janaraal Anderson, ayuu si cad u sheegay in dhismaha haatan ka socda saldhigga Manda Bay uu salka ku hayo dagaalka argagaixisada oo uu ka wado muslimiinta.
Waxa kale oo uu carabaabay in saldhigga Manda Bay uu awoodda saari doono hawl-gallada Kenya iyo Soomaaliya iyo sidoo kale kor-joogteynta isbeddelka xaaladaha. Isagoo xusay in iskaashiga Washington iyo Nairobi uu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab.
"Maadaama Al-Shabaab ay nagu hayso walaac aad u wayn, waxaa muhiim noo ah inaan iskaashi iyo xiriir wada-shaqayneed la yeelano Kenya oo ka mida saaxiibadayada ugu wanaagsan….” Ayuu yiri taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika, Janaraal Dagvin Anderson.
Waydiin u muuqatay mid kusoo-booddo ah oo aanu filayn, ayaa si kedis ah loo waydiiyey taliyaha ciidamada AFRICOM, taas oo ahayd, ma ku guuleysaneynaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab?
Isagoo aad uga meeraysanaya inuu si cad uga war-celiyo waydiintan, ayuu Janaraal Anderson uu yiri: "Waa su’aal wanaagsan. Marka hore, si sax ah uma garanayo waxa ay ka dhigan tahay "guul" marka laga hadlayo urur argagixiso. Laakiin haddii ay tahay in aan carqaladeyneyno weerarrada argagixisada anagoo wadajir u shaqeynayna — jawaabtu waa haa…”
Waxa kale oo uu intaas ku daray oo isagoo hadalka sii wata uu yiri "Waxaan u maleynayaa in hadda uu jiro cadaadis lagu hayo Al-Shabaab. Laakiin ugu dambeyn, arrintani waxay u taallaa dowladda Soomaaliya. Waxaanan u baahanahay in dowladda Soomaaliya ay iyadu qaadato masuuliyadda wax ka qabashada argagixisada.”
Intii Anderson uu ku gudo-jiray waraysiga waxa uu carrabka ku adkeeyey in Maraykanku walaac xooggan ka qabo halganka jihaadiga ah ee kusii bullaalaya bariga iyo galbeedka qaaradda Afrika oo ay ka hawl-galaan jihaadiyiinta Al-Shabaab iyo Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin.
Taliska AFRICOM ayaa labadii usbuuc ee u dambeeyey isaga kala gooshayay magaalooyin ay ka mid yihiin Addis Ababa, Nairobi, Kismaayo, Muqdisho, Hargeysa iyo Boosaaso. Isagoo dhaqdhaqaaqani kusoo aadayo xilli Maraykanku si rasmiya u shaaciyey in dhammaadka sannadkan uu jaraayo dhammaan taageeradii uu siin jiray ciidamada Afrikaanta ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.
Muuqaalkan cusub kaga bogo linkiyada telegramka:
https://t.me/+CN661O9tQzs1OWRh
https://t.me/+R9I5kFO92ycxMWYx
https://t.me/+R9I5kFO92ycxMWYx
Iyo sidoo kale bartayada Facebook-na kusoo biir:
