Cirro & Natanyahu oo la sheegay inay awoodda saarayaan la-dagaallanka Al-Shabaab.

Monday July 06, 2026 - 11:35:26
MeMO Staff
Hey'ad cilmi-baaris oo magaceeda loosoo gaabiyo AIJAC, una doodda danaha Yahuudda, ayaa sheegtay in 6 bilood kadib markii Yahuuddu aqoonsatay maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, uu sii xoogaystay xiriirka Hargeysa iyo Talaabiib ee dhinacyada difaaca iyo amniga.
Sida lagu xusay warbixinta, la-dagaallanka jihaadiyiinta Al-Shabaab, ayaa ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee ay ku midaysan yihiin Kiyaanka Sahyuuniga ah ee Yahuudda iyo maamulka daba-dhilifka ah ee la baxay Somaliland.

Australia/Israel & Jewish Affairs Council, waxa xustay in Hargeysa iyo Talaabiib ay horey u hirgeliyeen heshiisyo dhowr ah oo la xiriira dhanka difaaca. Iyadoo sidoo kalena mas’uul sare oo Somaliland ah ka xaqiijisay xog sheegaysa in horraantii sannadkan cutub ka tirsan ciidanka Yahuudda lagu daad-gureeyey gudaha Somalialnd.

Hey’addu waxay tilmaantay in warbixinno ay heshay ay tibaaxayaan in dhinacyadu ay sii ballaarinayaan iskaashigooda millateri, isla markaana maamulka Cirro uu ogaaladay in diyaaradaha Yahuuddu ay isticmaalaan garoonnada ku yaalla deggaannadaasi.

Sida ay warbixintu mar kale carabowday, sarkaal sare oo ka tirsan Somaliland ayaa sheegay, in ay wajahayaan khatar nooceeda uusan shaacin oo uu carabaabay inay filayaan inay kaga timaaddo dhinaca waddanka Yemen.

Hey’adda AIJAC, waxa kale oo ay ka dhawaajisay in ay jiraan war sheegaya suurtagalnimada in maamulka Yahuuddu uu maraakiibtiisa gujisyada, gaar ahaan nooca loo yaqaan Dolphin-class uu ka hawl-geliyo dekedda Berbera.

Dhawaan ayay ahayd markii Cirro iyo Netanyahu ay soo kala saxiixdeen heshiisyo hor leh oo nuxurkooda laga qariyey dadweynaha, isla markaana la xaqiijiyey in maamulka Yahuuddu uu saldhig millateri ka samaystay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:

Related Items

Update cookies preferences