Juan Cole oo ah aqoonyahan ameerikaan ah isla markaana bare ka ah jaamacadda University of Michigan oo ku taalla carriga Maraykanka, ayaa maqaal uu qoray kaga hadlay siyaasad-xumada maamulka Trump ee ku wajahan Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in maamulka Trump uu si weyn u kordhiyey duqeymaha dhinaca cirka ah ee ka dhanka ah Soomaaliya, isagoo sheegaya inuu beegsanayo jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Qoraagu wuxuu xusay in duqaymahani haba yaraatee wax faa’iido millatariya uusan Maraykanku kasoo hoynin, maadaama ayuu yiri la awoodi waayay in la jebiyo kooxd Al-Shabaab.
Wuxuu daboolka ka qaaday in duqaymaha uu fuliyey maamulka Trump ay galaafteen nolosha boqollaal qof oo rayid Soomaaliyeed ah, taasina ay horseedday oo kaliya caro shacab.
Qoraaga wuxuu ku tilmaamay in xiisadda Trump iyo diidmada uu u qabo Soomaalida Minnesota ay muujinayso cunsurinimo, taas oo qeyb ka ah sababta uu Trump diiradda u saaray Soomaaliya.
Si kastaba, maqaalku wuxuu si adag u eedaynayaa maamulka Trump, oo uu sheegay in Soomaaliya uu ka wado duqaymo faashil ah oo waxyeello shacab mooyee aan lahayn waxtar millateri.
