The Jerusalem Post: Aqoonsiga Yahuudda ee Somaliland wuxuu fursad dahabiya u yahay Al-Shabaab.

Tuesday December 30, 2025 - 09:17:02
Liibaan Jeexoow
Wargeyska Yahuudda ee The Jerusalem Post ayaa daabacay maqaal uu ku iftiiminayo sida aqoonsiga Yahuudda ee Somaliland uu halista ugu yahay labada maamul. Isagoo ku tilmaamay khalad istaraariijiya oo xambaarsan khataro badan.
Wuxuu sheegay in go’aankani uu yahay mid sii kala qaybinaya Somaliland, kicinayaa colaado, xoojinaya jihaadiyiinta, kana dhigaya Sahaayinada mid kusii siyaadana go’daanka ay ku jirto. Waxaanu tilmaamay in istiraatiiji ahaan iyo amni ahaanba, uu yahay mid khatartiisu badan tahay.

Qaybo ka mida deggaannada bariga iyo galbeedka Somalilanda ayuu sheegay in ay kasoo hor-jeedaan qadiyadda maamulka Hargeysa, isla markaana ay taageersan yihiin kooxda Villa Somaliya. Isagoo hoosta ka xariiqay in maamulka SSC-Khaatumo uu kala dhantaalay madaxbannaanida Somaliland.

Maqaalku wuxuu tibaaxay in beelaha la safan dowladda federaalka ee deggen qaybo ka mida Sool iyo Sanaag ay u adeegsan doona joogitaanka Yahuudda, aalad ay kusii xoojiyaan fikirkooda ka dhanka ah maamulka Hargesya, iyagoo Turkiguna siin karo taageero siyaasadeed, ciidan iyo dhaqaale.

Qormadu waxay ka sanqarisey in aqoonsiga Yahuudda ee Somaliland uu fursad dahabi ah u noqon karo Al-Shabaab. Isla markaana ay suuro-gal tahay in dadka Soomaaliyeed ee kasoo hor-jeeda tallaabadan ay la saftaan jihaadiyiinta.

Fikirka ah in aqoonsigu xoojinayo awoodda Sahaayinada ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ayuu maqaalku ku tilmaamay mid khaldan, isagoo sheegay in Somaliland aanay lahayn ciidan qaran oo midaysan oo ama ciidan diyaaradaha ka caawin kara dhinaca dhulka.

Maqaalkan sidoo kale xusay in saldhig-badeed ay Yahuuddu ka samaysato Berbera, uu soo kordhin doona oo kaliya duqaymo dhinaca cirka ah, kuwaasina aanay keeni doonin guul istaraatiijiya, sidii Maraykanka iyo Sahaayinada laftarkeeda ay horeyba ugu fashilmeen.

M/weynaha Maraykanku wuu diidday inuu Yahuudda ku raaco tallaabada Somaliland. Sacuudiguna wuxuu ka soo horjeestay tallaabadaasi, isagoo ku xiraya caadiyeynta Yahuuddu waddo, dowlad Falastiini ah. Sidaas darteed, aqoonsigu wax micno ah uma yeelanayo ballaarinta Ibraahiimiyada.

Waxa kale oo qormadu ka dhawaajisay in Somaliland ay si cad u diidday wax wadahadal ah oo ku saabsan dejinta Falastiiniyiinta Gaza. Arrintaasna waxay noqon lahayd ayuu yiri maqaalku, ismiidaamin siyaasadeed iyo amni, kana dhigi lahayd Somaliland bartilmaameed caalami ah.

Ugu dambayntu, qormadu waxay sheegtay in Yahuuddu ay wajahayso go’doon diblomaasiyadeed, maadaama Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, GCC, Shiinaha, iyo Midowga Yurub dhammaantood ay ka soo horjeesteen aqoonsiga Sahaayinada ee maamulka Somaliland.

Related Items

Update cookies preferences