Diyaarad millateri oo burburtay iyo taliyaha ciidamada Uganda oo ka hadlay.

Tuesday November 24, 2026 - 11:51:27
MeMO Staff
Diyaarad milatari oo nooceedu yahay Cessna 208 Caravan, ayaa sida la xaqiijiyey 22-kii Nofeembar ku burburtay deegaanka Kalongi oo dhaca bariga magaalada Minembwe, ee gobolka Koonfurta Kivu ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Jabhadda Front for the Refoundation of the Nation (FRN) ayaa sheegatay in ay soo rideen diyaarad ay ku tilmaameen diyaaradaha dagaalka, xilli ay dul maraysay Minembwe, isla markaana ay isu diyaarinaysay weerar ka dhan ah dadka rayidka ah.

Sida ay wararku tibaaxayaan, 4 qof ayaa diyaaradda saarnaa, kuwaas oo la sheegay in laba ka mid ah ay dhinteen, halka labada kalena ay badbaadeen. Labada dhintay ayaa kala ahaa duuliye u dhashay Koonfur Afrika iyo muwaadin u dhashay Uganda. Labada qof ee badbaaday ayaa la sheegay inay gacanta ugu jiraan jabhadda FRN.

Baaritaan uu sameeyay Olivier Fourt oo ka tirsan Radio France Internationale (RFI), kaas oo ku salaysnaa sawirrada iyo muuqaallada burburka diyaaradda, ayaa tilmaamay inaysan ahayn diyaarad dagaal oo caadi ah, balse ay ahayd Cessna 208 Caravan oo loo habeeyay hawlgallada milatari.

Ciidanka DRC ayaa sheegay inay Axaddii uu lumay xiriirkii ay la lahaayeen diyaarad xamuul oo Cessna 208 ah, taas oo ka duushay magaalada Beni ee Waqooyiga Kivu kuna sii jeedday Kalemie oo ka tirsan gobolka Tanganyika.

Milateriga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo wuxuu sheegay in cimilada oo xun ay sabab u noqon karto lumitaanka diyaaradda, isla markaana aan weli la helin diyaaradda iyo sidoo kale shaqaalaheediiba.

Xogaha qaar ayaa sheegaya in labada qof ee badbaaday lala xiriiriyay shirkad lagu magacaabo Contractor Airways (PTY) Limited, taas oo la sheegay inay qandaraas kula jirtay dowladda Congo tan iyo Febraayo 2025, si ay ciidanka dowladda uga taageerto indha-indheynta cirka iyo duqeymaha.

Taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in ciidanka Uganda aysan wax lug ah ku lahayn diyaaradda la soo riday. Waxa kale oo uu sheegay in shirkadda ay arrintani khusayso la ciqaabay, balse ma uusan magacaabin shirkadda ama faahfaahin ka bixin tallaabada laga qaaday.

Diyaaraddan ayaa burburtay xilli ciidamada dowladda Congo, oo ay taageerayaan ciidamo Burundi ah iyo maleeshiyaadka Wazalendo, ay dagaallo kula jireen kooxda Twirwaneho, oo ka tirsan isbahaysiga FRN, kuwaas oo ku sugan agagaarka Minembwe.

Related Items

Update cookies preferences