Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyey xasuuqqa dad shacab ah oo ka dhacay gobolka Tigray.

Tuesday November 24, 2026 - 10:59:11
MeMO Staff
Waxa loogu yeero hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa ku eedaysay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaad iyaga taabacsan inay duqaymo madaafiic ah ka geysteen xaafado ay deggen yihiin dad rayid ah oo ku yaalla gobolka Tigray.
Warbixin ay hay’addu soo saartay Isniintii shalay ayay ku sheegtay in ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad iyaga taageersani ay muddo saddex maalmood ah madaafiic ku garaacayeen xaafado ay ku nool yihiin dad shacab ah.

Duqaymahan ayaa la sheegay in ay dhaceen bishii sagaalaad ee sannadkan, gaar ahaan intii ay ciidanka Xabashida Itoobiya kusii siqayeen magaalada Alamata ee gobolka Tigray, halkaas oo ay la wareegeen ku dhawaad laba bilood ka hor, kadib markii ay ka saareen maleeshiyaadka TPLF.

Hey’adda Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay inay si madax-bannaan u xaqiijisay dhimashada 14 qof oo rayid ah iyo dhaawaca dad kale oo badan, kuwaas oo ka dhashay afar weerar oo duqeymo ah.

Amnesty Internation waxay ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo duqaymaha ay ciidamada Itoobiya ka geysteen deggaanno ka tirsan gobolka Tigray, halkaas oo suur-gal ah ayay tiri, in ay ka dhaceen dambiyo dagaal oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Mid ka mid ah weerarradaas oo dhacay 27-kii Sebtembar ayay warbixintu xustay in lagu garaacay shan guri oo ku yaalla xaafad ka tirsan magaalada Alamata, halkaas oo ay ku dhinteen toddoba qof, oo ay ku jireen qof dumar ah, wiil yar oo ay dhashay iyo walaalkeed.

Hey’addu waxa kale oo ay warbixinteedan ku sheegtay in ciidanka Xabashida Itoobiya ay weli iska caabbin kala kulmayaan jabhadda TPLF, halka dhanka kalena ay ka sanqarisay in Itoobiya iyo Eratariya ay ciidamo ku ururinayaan xuduudda, taas oo kordhisay ayay tiri walaaca laga qabo dagaal cusub oo mar kale ka dhex-qarxa labada dal.

Related Items

Update cookies preferences