Weerarro hor leh ayaa maanta ka dhacay koonfurta iyo waqooyiga dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Shabeellaha hoose iyo Bari.
Gobolka Shabeellaha hoose, jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa maanta qarax culus culus la beegsaday ciidamada Uganda ee ku sugan deggaanka Buulo Mareer.
Sida ay xogtu tibaaxayso qaraxan ayaa ciidamada Uganda lagu weeraray xilli ay lugaynayeen, waxaana gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey, in ugu yaraan 3 askari oo Ugaandhiis ah ay ku dhinteen qaraxaasi, halka 8 askari oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, xoogagga Al-Shabaab waxay isla maanta kolonyo ciidamo Ugaandhiis ah ku qarxiyeen inta u dhexeysa deggaannada Buulo Mareer iyo Golweyn.
Askar Ugaandhiis ah ayaa la xaqiijiyey in dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen qaraxan, halka gaari Taw ah oo kolonyada ka mid ahaa uu gebi ahaanba basbeellay.
Isla gobolka Shabeellaha hoose, waxay jihaadiyiintu ay isla maanta ka fuliyeen 3 qarax oo lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Askar ka tirsan ciidanka dowladda ayaa la xaqiijiyey in dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen qaraxyadaasi, halka gaari Cabdi Bile ah uu gebi ahaanba shufbeellay.
Gobolka Bari, waxaa isna jihaadiyiintu ay maant ka fuliyeen weerar dhabbo-gal ah oo ay u dhigeen ciidanka maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland.
Ciidankan la beegsaday ayaa la sheegay in ay marayeen duleedka Galgala ee Buuraha Golis, waxaana jir khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada Puntland.
Isla Buuraha Golis, waxaa mar kale oo maanta ah ka dhacay, qarax ay dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen inta dhaxeeysa deegaanada Balli-khadar iyo Sugurre ee duleedka Boosaaso.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, ugu yaraan 2 askari oo midkood yahay sarkaal miine-baare ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi.
