Weerarro kala duwan oo ay fuliyeen jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay gobolka Hiiraan iyo sidoo kale gobolka Lamu ee ku hoos-jira gumeysiga Kenya.
Gobolka Hiiraan, waxaa ka dhacay maanta oo Isniin ah, weerar Jihaadiyiintu ku qaadeen ciidanka DF Soomaaliya oo dhaqdhaqaaqyo ka waday deggaanka Geel-kudha ee hoos-taga degmada Matabaan.
Sida ilo-wareedyo aanu helnay ay xaqiijiyeen, ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa lagu dilay weerarkaasi, halka ugu yaraan 3 askari oo kalena lagu dhaawacay.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor jihaadiyiinta Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen deggaanka Coomaad ee hoos-taga degmada Matabaan.
Gobolka Lamu, waxaa isna ka dhacay weerar culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku ekeeyeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Maangaay.
Sida ay xogtu tibaaxayso, dagaal culus ayaa halkaasi ka dhacay, waxaana intii hawl-galkaasi socday uu dab xooggani ka kacay dhisme ku yaallay gudaha xerada oo sahay kala duwani ay u taallay ciidamada Kenya.
Ilo-wareedyo aanu ka helnay weerarkan ayaa xaqiijiyey in uu jiro khasaare nafeed oo soo gaaray ciidamadii Kenyaatiga ahaa ee ku sugnaa xerada la beegsaday.
