Taliyaha Ciidanka Uganda Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa hadallo muran dhaliyay ka sheegay joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, isaga oo arrinta ku xiriiriyay taariikh, dhiig iyo aqoonsi qowmiyadeed.
Muhoozi ayaa bartiisa bulshada ku sheegay in reer Bachwezi ay ka daaleen Soomaaliya, gaar ahaan doorka sii kordhaya ee Turkiga.
Reer Bachwezi ayuu ula jeedaa boqortooyo qarniyo fog ka jirtay qaaradda Afrika gaar ahaan Yugaandha, waxayna dulucda hadalkiisa aheyn in ciidamada Afrikaanta ay kudaaleen dagaal wakaaladeedka ay uga jiraan Soomaaliya.
Waxa uu intaas ku daray in Turkigu aanu lahayn waxa uu ugu yeeray "dhiigga barakaysan ee Bachwezi” islamarkaana Uganda aysan ka qaybgelin dagaallo aan dan u ahayn Bachwezi.
Bachwezi waa boqortooyo taariikhi ah oo ku jirta sooyaalka iyo sheekooyinka dhaqanka ee gobolka Harooyinka Waaweyn ee Afrika. Muhoozi ayaa marar kala duwan magacaas u adeegsaday muujinta aqoonsi taariikheed iyo mid Afrikaanimo.
Hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Turkigu sii xoojinayo joogitaankiisa Soomaaliya , gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, amniga, dhaqaalaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Turkiga oo boob kuhaya kheyraadka Soomaaliya ayay dowladda Yugaandha sheegtay in isagu uu isku koobay wixii ay ciidamadeedu muddo ku dhow 20 sano dalka uga dagaallamayeen oo ah dhaqaale raadsi.
Dowladda Yugaandha ayaa bartamihii bishaan cutubyo katirsan ciidamadeeda ka saartay magaalada xeebta kuteedsan ee Baraawe gobolka Sh/hoose.
Hadallada Muhoozi waxay muujinayaan sida ay u sii xoogaysanayaan loollanka saameynta siyaasadeed iyo tan milatari ee Soomaaliya, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya Muqdisho, Kampala iyo Ankara.