FAAH-FAAHIN: Khasaaraha weerarro Al-Shabaab ka fulisay Buuraha Golis, Shabeellooyinka, Mudug, Gaarisa & Madheera.

Saturday November 21, 2026 - 16:51:22
MeMO Staff
Weerarro kala duwan oo ay fuliyeen jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta, bartamaha ilaa waqooyiga dalka Soomaaliya iyo weliba sidoo kale deggaanno dhaca gobollada ku hoos-jira gumeysiga Kenya.
Buuraha Golis ee waqooyiga Soomaaliya, waxaa maanta ka dhacay weerar qarax ay oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyeen inta u dhexeysa deggaannada Balli Khadar iyo Sugurre ee duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sida ay xogtu tibaaxayso, qaraxan ayaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen saraakiil iyo ciidan ka tirsan maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland. Waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray askartaasi.

Inta ilaa hadda la xaqiijiyey, qaraxaasi waxaa ku naf-waayay ugu yaraan 1 sarkaal oo taliye urur ahaa laguna magacaabi jiray, Mursal Cabdullaahi Dhuqul. Waxaana lagu dhaawacay ugu yaraan 3 askari oo kale, kuwaas oo laba ka mid ah la sheegay in dhaawacyadoodu ay garaab yihiin.

Gobolka Mudug, waxaa isna ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay, weerar toos ah oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisinno ay ciidanka dowladdu ku leeyihiin degmada Xarar Dheere. Waxaana la xaqiijiyey in khasaare kala duwani uu soo gaaray.

Gobolka Shabeellaha dhexe, qarax habeennimadii xalay ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ayaa lala beegsaday sarkaal ka tirsan maamulka dowladda ee magaaladaasi, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cismaan-Gaab.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey, in qaraxaasi uu ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada Cismaan-Gaab oo lagu magacaabo Maxamed Cismaan.

Gobolka Shabeelada hoose, laftarkiisa waxaa ka dhacay weerar habeen-dheelmad ah oo jihaadiyiintu ay ku mireen fariisinno ay ciidanka dowladda federaalku ku leeyihiin buundooyinka Jannaale iyo Sabiid.

Gobolka Gaarisa, ee ka midka ah dhulka Kenya ay xoogga ku haysato, waxaa sida aanu xogta ku helnay, maanta oo Sabti ah ka dhacay, hawl-gal qorshaysan oo Al-Shabaab ay ka fulisay afaafka hore ee xerada ciidamada Kenya ee degmada Ijaara.

Sida ilo-wareedyo aanu helnay ay xaqiijiyeen, weerarkaasi waxaa ku dhintay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamadii Kenyaatiga ahaa ee ku sugnaa xeradaasi.

Sidoo kale, habeennimadii xalay waxay xoogagga Al-Shabaab weerar culus ku bartilmaameedsadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Yunbis oo ka tirsan degmada Faafi ee isla gobolka Gaarisa.

Gobolka Mandheera oo isna ka mid ah dhulka ku hoos-jira gumeysiga Kenya, waxay dagaalyahannada Al-Shabaab ay habeen hore ka fuliyeen weerar culus oo ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Ceel-raamo ee degmada Ceel-qaalow.

Related Items

Update cookies preferences