Hawl-gallo kala duwan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan labada Shabeelle.
Ciidamada AUSSOM, gaar ahaan kuwa Burundi ee ku sugan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa maanta lagu weeraray gudaha degmada Balcad.
Weerarkan oo ahaa qarax culus ayaa sida la sheegay waxaa fuliyey jihaadiyiinta Al-Shabaab, waxaana lala eegtay askar Burundiis ah oo ku sugnaa xero ay ka deggen yihiin gudaha magaalada.
Inta la xaqiijiyey, qaraxan waxaa ku dhintay ugu yaraan 1 askari oo Burundiis ah, oo magaciisa lagu sheegay Michael, waxaana ku dhaawacmay 9 askari oo kale.
Sidoo kale khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax isla maanta lagu weeraray ciidan dharcad ah oo ka tirsan sirdoonka DF Soomaaliya.
Sida ay xogtu tibaaxayso, ciidankan ayaa lagu beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen oo ku yaalla gudaha isla magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Qaraxan oo sida la sheegay ay fuliyeen jihaadiyiinta Al-Shabaab, ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhintay ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa sirdoonka dowladda, isla markaana ay ku dhaawacmeen 2 askari oo kale.
Geesta kale, gobolka Shabeellaha hoose waxay jihaadiyiintu ay maanta ka fuliyeen weerar ay ku ekeeyeen saldhigga ciidanka dowladda federaalka ee deggaanka Mubaarak.
