Kooxda Villa Soomaaliya oo cayrisay safiirka Imaaraadka u qaabilsan Muqdisho.

Thursday November 19, 2026 - 15:16:59
MeMO Staff
Khilaafka ka dhex aloosan kooxda Villa Soomaaliya iyo dowladda daba-dhilifka ah ee Imaaraadka Carabta ayaa saacadihii lasoo dhaafay cirka isku sii shareeray, kadib markii masuuliyiinta labada dhinac ay eedo culus hawada isku mariyeen.
Xukuumadda Muqdisho ayaa maanta oo Khamiis ah u yeertay safiirkeedii u fadhiyay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo sidoo kale safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya ku amartay inuu dalka ka baxo.

Go’aannadan ayaa laga soo saaray kulan maanta caasimadda Muqdisho ay ku yeesheen Golaha Wasiirrada ee kooxda Villa Soomaaliya, kuwaas oo si wada-jir ah u ansixiyey qaraarka lagu cayriyey safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo shalay xukuumadda Abu Dhabi ay si adag ugu jawaabtay Xasan Sheekh kuna tilmaantay madaxweyne waqtigiisu dhammaaday oo danihiisa gaarka ah ka hormariya danaha dalkiisa.

Related Items

Update cookies preferences