Weerarro kala duwan ayaa lasoo weriyey in saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen gobolka Shabeelaha hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Sida ay xogtu tibaaxayso, weerar habeen-dheelmad ah oo ay fuliyeen jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa xalay lagu beegsaday fariisin ay ciidanka dowladdu ku leeyihiin xaafadda Haanta dheer ee degmada Afgooye.
Sidoo kale, dagaalyahannada Al-Shabaab waxay hawl-gal qarax ah la beegsadeen kolonyo ciidamo Afrikaan ah oo maraayay agagaarka deggaanka Mariin-gubaay ee isla Shabeellaha hoose.
Gaari Taangi ah oo qaraxu haleelay ayaa la sheegay in waxyeello ay soo gaartay, halka khasaare nafeed-na la xaqiijiyey in ay gaartay ciidamada Uganda.
Waxa kale oo jira hawl-gal lagu beegsaday ciidamo Ugaandhiis ah oo saacadihii lasoo dhaafay xoogagga Al-Shabaab ay ka fuliyeen afaafka hore ee deggaanka Danow.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey, in ugu yaran 3 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ay ku dhaawacmeen hawl-galkaasi.
