Madaxa Kooxda Villa Soomaaliya ayaa weerar afka ah ku qaaday Imaaraatka Carabta isagoo si cad u sheegay in xukuumaddaasi ay ka shaqeynayso ficillo ka dhan ah xukuumadiisa wuxuuna ku goodiyey in ay talaabooyin qaadayaan.
Isagoo kalimad ka jeedinayay warbaahinta ku hadasha afka kooxda Villa Soomaaliya ayuu si aan gabasho laheyn u dhaleeceeyey taageerada ay dowladda Imaaraadka Carabta siiso siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo maamullada ashahaadda ladirirrada ah ee kajiro dalka sida Puntland, Jubbaland iyo Somaliland oo uu ku sheegay mid halis gelinaysa amniga kooxdiisa.
Hoggaamiyaha kooxda Villa Soomaaliya wuxuu soo hadal qaaday tahriibintii Caydaruus Subeydi madaxii maamulka Koonfurta Yemen oo horey u maray garoonka Muqdisho kadibna kasii duulay magaalada Berbera.
Marka laga soo tago eedaymaha uu Xasan Gurguurte ujeediyay xukuumadda Abu Dubaui ma sheegin wax tallaab ah oo ay qaadayaan taas bedelkeed wuxuu dalbaday wadahadal in lagu dhammeeyo khilaafka.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa sanaddii 2022 mas'uul ka aheyd in Xasan Sheekh uu noqdo madaxweynaha kooxda Villa Soomaaliya iyadoona lacago boqolaal milyan ah ku bixisay doorashadiisi iyo nidaamka hadda jiro balse markii dambe ayay ku kala tageen arrimaha siyaasadda waxaana xusid mudan in Imaaraatku uu kooxda Xasan Gurguurte u tababaray una qalabeeyay ciidan ku dhow 14 kun oo askari.
Xasan Gurguure oo ah bilaash xeyte isbed bedel badan oo la moodo in afkiisa iyo dhegihiisu aysan ismaqlin ayaa horay ammaan ugala duldhici jiray dowladda daba-dhilifka imaaraatka carabta isagoo ku bogaadin jiray kaalinta ay ka qaadanayso duullaanka ashahaadda ladirirnimo ee ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.
