Khilaaf soo kala dhaxgalay Aadan Madoobe & Guddoomiyaha Baarlamaanka DF.

Wednesday November 18, 2026 - 07:26:51
MeMO Staff
Kulamo aan loo kala kicin ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay hotel ku yaal xeyndaabka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kaasi oo udhaxeeyay siyaasiyiin saameyn ku leh DF iyo maamulka Koonfur Galbeed garabka Xasan Sheekh.
Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ah guddoomiyaha baarlamaanka ayaa martiqaad ufidiyay Aadan Madoobe iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulanka ay sedaxdan siyaasi uga arrinsanayeen khataraha uu wajahayo maamulka isku magacaabo Koonfur galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.

C/qaadir Jaamac ayaa ku eedeeyay Aadan Madoobe in uu ku fashilmay arrimaha magaalada Baydhabo isla markaana uu difaacan waayay maamulkii madaxda looga dhigay, sida ay xaqiijiyeen dad ku dhow dhinacyada Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa Aadan Madoobe ugu baaqay in uu xilka iska casilo si loogu bedelo hoggaamiye awood u leh in uu la heshiiyo garabka Laftagareen.

Intaas kadib Aadan Madoobe ayaa si kulul ugu jawaabay C/Qaadir Jaamac isagoona ku eedeeyay in mas'uul ka yahay fashilinta maamulkiisa, hoggaamiyaha maamulka Koonfur galbeed ayaa Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha baarlamaanka ku tuhmay in ay debendaabyo u maleegayaan maamulkiisa.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna kulanka qeyb ka ahaa ayaa soo jeediyay in Aadan Madoobe uu talada iska dhiibo si loo helo xal siyaasadeeD, Shariif Sakiin ayaa carrabka ku adkeeyay in la wareegiddii mucaaradka ee 4 degmo iyo qulqulka ciidamada ka goosanaya Baydhabo ay halis weyn ku tahay maamulka.

Wararkii ugu dambeeyay waxay tibaaxayaan in dhinacyadu ay kulanka ku kala dareereen iyaga oo aan wax natiijo ah gaarin.

Related Items

Update cookies preferences