Cali-Balcad oo diidday inuu ka jawaabo aflagaadada Trump ee ka dhanka ah Soomaalida.

Tuesday November 17, 2026 - 11:51:15
MeMO Staff
Fadeexad hor leh ayaa dul-hoganaysa kooxda Villa Soomaaliya, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay aad loo hadal-hayay mid ka mid ah wasiirrada maamulka Gurguurte oo ka gaabsaday in jawaab uu ka bixiyo aflagaadada joogtada ah ee madaxweynaha Maraykanku kula kaco ummadda Soomaaliyeed.
Cali-Balcad oo ah Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee kooxda Villa Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in uu yahay muwaadin Maraykan ah, sidaas darteed uusan ka jawaabeyn afgaladaadada uu Donald Trump ku hayo dadka iyo dalka Soomaaliya. 

Telefishanka Al-Jaziira, oo waraysi la yeeshay murtadkan, ayaa su’aalaha la waydiiyey waxaa ka mid ahayd, weydiin si weyn u taabanaysay weerarka dhinaca afka ah ee madaxweynaha Maraykanku uu ku hayo guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaab Soomaalida ku dhaqan Maraykanka. 

"Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa marar badan hadallo meel-ka-dhac ah ka sheegay Soomaaliya iyo Soomaalida ku nool Maraykanka. Waxaanu Soomaalida ku tilmaamay qashin, halka dalkoodana uu ku sifeeyey mid wasakh ah oo laga yaqyaqsoodo, haddaba hadalladaasi maku dhibayaan oo maka xumaataa Cali-Balcadoow, maxaad-se ka oran lahad? Ayay Al-Jaziira weydiisay Cali-Balcad.

"Ugu horrayn, aniguba waxaan ahay muwaadin Maraykan ah. Madaxweyne Trump waxaa sidoo kale doortay muwaadiniinta Maraykanka, sidaas darteedna waa madaxweynaha Maraykanka. Markaa kama jawaabi doono hadallada uu sheegay.” Ayuu ku jawabay Cali-Balcad kaga jawaabay.

War-celinta ninkan oo ay si weyn uga carootay guud ahaan bulshada muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, ayaa bannaanka keentay, sida mas’uuliyiinta daba-dhilifyadu ay xattaa waxa loogu yeero wadaniyaddu uga dhimatay, isla markaana ugu caynsan yihiin shisheeyaha ay kaba-qaadka u yihiin ee usoo wakiilatay maamullada ashahaado-la-diriryada ah ee laga dhisay dalka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences