Hawl-gallo kala duwan oo khasaare geystay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Shabeellaha hoose iyo Banaadir.
Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa maalinnimadii shalay ka dhacay hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ku weerareen maleeshiyaad ku sugnaa gudaha deggaanka Buula Mareer.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 3 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte ay ku dhinteen qaraxan, halka 4 askari oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Magacyada askarta ku dhimatay qaraxan oo aanu helnay ayaa kala ah, Cabdisalaam Qoobeey oo ahaa Taliyaha maleeshiyaadka Villa Soomaaliya ee Buula Mareer, Gaagaale oo ahaa askari iyo Maxamed Afyare oo ahaa sarkaal.
Sidoo kale magacyada maleeshiyaadka ku dhaawacmay qaraxan oo aanu helnay ayaa iyaguna kala ah Xayir, Cali Nuur, Farxaan iyo Ilkacase.
Xoogagga Al-Shabaab waxay sidoo kale shalay weerar culus ku qaadeen xerada ciidamada Afrikaanta ee deegaanka Danow ee isla gobolka Shabeellaha hoose.
Maanta oo Isniin ah, waxay sidoo kale jihaadiyiintu weerar culus ku ekeeyeen xerada ciidamada Uganda iyo saldhiga maleeshiyaadka Xasan Sheekh ee degmada Jannaale gobolka Shabeellaha hoose.
Gobolka Banaadir, waxaa isna maanta ka dhacay hawl-gal ay dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen isgoyska Dabka ee caasimadda Muqdisho.
Hawl-galkan ayaa lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Mursal oo horey u soo noqday xildhibaan ka tirsanaan jiray baarlamaanka federaalka ee xukuumadihii Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Sheekh Axmed.
