Warbixinta ay daabacday shabadda Long War Journal oo laga leeyahay Maraykanka, diiraddana saarta arrimaha amniga, ayaa ka hadashay bilaabashada bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya iyo ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ee saldhigga millateri ee Balli-doogle.
Shabakaddu waxay sheegtay in ku dhawaaqista bixitaanka ciidamada Uganda uu dabayaaqada bishii dhammaatay ee October uu markii u horreysay shaaciyey taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba.
Sida ay shabadda Long War Journal sheegtay, isla wakhtigaasi ay Uganda ku dhawaaqday go’aankan, ayay ciidamada Mareykanku iyaguna ka baxeen saldhigga Balli-doogle, oo ah mid istaraatiiji ahaan muhiim u ah koonfurta Soomaaliya.
Bixitaanka labadan ciidan ee Uganda iyo weliba ciidamada Maraykanka ee saldhigga Balli-doogle, ayuu wargeysku ku tilmaamay tallaabo ay ka faa’iidaysan karaan jihaadiyiinta Al-Shabaab, fursad-na u siin karta inay kusii ballaariyaan awooddooda.
Isbeddeladdana amni ayay warbixintu xustay inay si gaar ah u sii adkeeyeen go'aanka Mareykanka ee lagu dhimay maalgelinta howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo ahaa laf-dhabarta taageerada saadka ee howlgalka Midowga Afrika.
Howlgalkii siyaasadeed ee dowlad-dhiska daba-dhilifyada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa 31-kii October 2026, albaabada loo laabay maalmo yar kadib qoraalladii uu Muhoozi ku baahiyey baraha bulshada.
Sida wargeysku sheegay, bixitaanka ayaa ku bilaabanaya ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku jooga heshiisyada laba geesoodka ah ee ay la galeen maamulka Muqdisho, halka ciidamada ku jira howlgalka Midowga Afrika ay bilaabi doonaan inay baxaan sannadka soo socda.
Ka bixitaanka ciidamada UPDF ayay warbixintu xustay inay u badan tahay in cadaadis weyn saaro uu saaro maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya, kuwaas oo ay ku adkaatay in hawl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyaan gobolka Shabeellaha hoose.
"26-kii Oktoobar, Al-Shabaab ayaa sheegatay inay boqollaal askari oo Soomaali ah ku dishay weerar gaadmo ah oo ay ku qaadday ciidamo ka tirsan dowladda, meel u dhow degmada Leego, oo ku dhow xadka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Bay….” Ayay tiri Long War Journal.
Warbixintu waxa kale oo ay ka sanqarisay in Itoobiya laftarkeedu ay qorshaynayso inay Soomaaliya kala baxdo 3,000 oo askari, halka dhanka kalena ay jirto hubanti la'aan ku saabsan sii joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya.
Sida warbixintu ay ka dhawaajisay, saraakiil Mareykan ah ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Task & Purpose in ciidamada Maraykanku ay dhawaan ka guureen saldhigga Balli-doogle oo qiyaastii 90 kiiloomitir waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho, kuna yaalla gobolka Shabeellaha hoose.
Sida wargeysku uu sheegay, ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ku sugan ayaa horey u booqday saldhiggan uu Mareykanku ka baxay. Waxaa sidoo kale la sheegay inay muujiyeen xiisaha ay u qabaan la wareegidda xarunta iyo ballaarinta kaabayaasheeda.
"Haddii Turkigu la wareego maamulka Balli-doogle, arrintaasi waxay caqabad ku noqon kartaa Mareykanka…” ayay tiri Long War Journal, iyadoo intaa ku dartay in Turkiga uu Soomaaliya ka fuliyo duqaymo diyaaradeed oo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka.
Ugu dambayn wargeysku waxa uu hoosta ka xariiqay, in marka la eego muhiimadda istaraatiijiyadeed ee saldhigga Balli-doogle iyo go'aanka ka guurista ciidamada Maraykanka ay ka dhalanayaan weydiimo la xiriira istaraatiijiyadda guud ee Washington ee dhinaca millateriga Soomaaliya.
