Qaramada Midoobay oo shaqaalaheeda kala baxday xerada Xalane ee Muqdisho.

Tuesday November 10, 2026 - 06:47:50
MeMO Staff
Waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ayaa billaawday holwgal duulimaad xagga cirka ah oo ay shaqaalaheeda uga daadguraynayso gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Sida ay wararku sheegayaan, shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa laga daadgureeyay xerada Xalane ee Muqdisho oo ah saldhigga ugu weyn ee shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay uu ku leeyahay dalka.

Shaqaalahan ayaa loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii si rasmi ah loo soo afjaray hawshii Xafiiska Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaas oo marka magaciisa lasoo gaabiyay loo yaqiinay (UNTMIS).

Sida lagasoo xigtay mas'uuliyiin katirsan xafiiska Q.Midoobay ee wadanka Kenya shaqaalaha ayaa Axaddii lasoo dhaafay lagu daad gureeyay diyaarado ay Qaramada Midoobay kiraysatay kuwaas oo tiro dhowr jeer ah ku degay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoo isticmaalaya Taawarka gaarka ah ee diblumaasiyiinta Xalane ku hagaan duullimaadyada.

Daadgureyntu waxay timid maalmo kadib markii si rasmi ah loo soo afjaray hawshii UNTMIS, taas oo qayb ka ahayd joogitaanka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Shaqaalaha UN-ka ee laga daabulay Muqdisho waxaa la dejiyay magaalada Nairobi halkaas oo ay kasii wadi doonaan shaqadii ay ka hayeen Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli qoobgariir dhan walba ah laga dareemayo dhammaan shisheeyaha iyo daba-dhilifyada ku sugan Muqdisho kuwaas oo ka baqdin qaba burbur lama filaan ah oo kuyimaad kooxda Villa Soomaaliya.

Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa maamuli jirtay zaadka ciidamada afrikaanta AUSSOM waxayna tiir weyn u aheyd duullaannada gardarrada ah ee lagusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed.

Related Items

Update cookies preferences