Aadan Madoobe oo walaac ka muujiyay bixitaanka ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya.

Monday November 09, 2026 - 06:31:02
MeMO Staff
Aadan Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ee daacadda u ah Xasan Gurguurte ayaa sheegay in isbedello dhan walba ah ay kusoo wajahanyihiin Soomaaliya isagoo walaac ka muujiyay mustaqbalka maamullada dabadhilifyada ah ee dalka ka jira.

Isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ayuu Aadan Madoobe sheegay in ciidamada afrikaanta ah ay 20 sano kadib geeddi ka yihiin Soomaaliya isla markaana ay iyagu heysan ciidan ku filin ilaalinta xarumaha maamullada.

Waxa uu xaaladda gobollada Baay iyo Bakool gaar ahaan magaalooyinka maaamulkiisa hoostaga ku tilmaamay mid xasaasi ah isaga oo xusay in halkaas ay ka socdaan dhacdooyin aan hore loo arag oo si xawli ah isku beddelaya.

Maamulka daacadda u ah kooxda Villa Soomaaliya ee ka jira magaalada Baydhabo ayaa bilihii lasoo dhaafay wajahayay xaalad adag kadib markii weeraro culus ay ku qaadeen ciidamo daacad u ah CabdiCasiis Laftagareen kuwaas oo lawareegay illaa 4 degmo oo ka tirsan gobolka Baay.


Related Items

Update cookies preferences