Maxay ka dhigan tahay bixitaanka ciidamada Maraykanka ee saldhigga Balli-doogle?

Wednesday November 04, 2026 - 16:13:22
MeMO Staff
Wargeyska Stars and Stripes oo ka mid ah warbaahinta Mareykanka ee ka faalloota arrimaha ciidamada iyo milatariga, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararka sheegaya bixitaanka ciidamada AFRICOM ee saldhigga Balli-doogle ee dalka Soomaaliya.
Sidawargeysku uu kasoo xigtay warbaahin maxalli ah, ciidamada Mareykanka ayaa isaga baxay saldhigga milatariga ee istaraatiiji ah ee Balli-doogle oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya, kaas oo sannado badan xarun ahaa hawlgallada Mareykanka ee la-dagaallanka Al-Shabaab.

Garoonkan ayaa ku yaalla meel qiyaastii 60 mayl (96 km) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, ayuu wargeysku xusay in waxyaabihii uu Maraykanku u adeegsan jiray ay ka mid ahaayeen ururinta xogaha sirdoonka iyo tababaridda ciidamada Danab.

"Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaan si toos ah uga jawaabin su'aalo la weydiiyay Isniintii oo ku saabsanaa bixitaanka la soo sheegay.” Ayuu yiri wargeysku, isagoo intaas ku daray in weli aanay caddayn tirada ciidamada Mareykanka ee isaga baxay saldhigga iyo halka loo wareejiyay.

Haddii bixitaanka ciidamada ee saldhiggan uu xaqiiqo noqdo, waxay noqon doontaa isbeddel weyn marka loo eego xaaladdii sannad ka hor, xilligaas oo Mareykanku uu maalgelinayay dhismaha kaabayaal loogu talagalay in ciidamada Mareykanka ay muddo dheer ku sii sugnaadaan Balli-doogle.

Sida wargeysku xusay, ciidamada Mareykanka ee Balli-doogle ayaa horey ula kulmay weerarro ba’an. 2019-kii, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa fulisay mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee lagu qaado ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya tan iyo dagaalkii Muqdisho ee 1993-kii.

Weerarkan oo ku bilowday qarax aad u culus oo si weyn u gilgilay saldhigga iyo agagaarkiisa oo dhan, ayuu wargeysku sheegay in uu socday muddo saacad ah, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan lagu gaarsiiyey ciidamada Maraykanka.

Related Items

Update cookies preferences