Askar fara badan oo ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka ayaa sida ay wararku tibaaxayaan, isaga soo baxay difaacyadii ay ka waardiyeynayeen qaar ka mid ah degmooyinka ay dowladdu gacanta ku hayso ee gobolka Hiiraan.
Ciidamadan kasoo goosanaya furimaha dagaalka ayaa la sheegay inay si xawliya ugu qulqulayaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ka socdo kacdoon hubaysan oo looga soo hor-jeedo maamullada Muqdisho iyo Jowhar.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo aanu helnay, ciidamadan oo weli kusoo qulqulaya Baladweyne ayaa soo banneeyey difaacyadii ay kaga jireen nawaaxiga degmooyinka Buuloburde iyo Matabaan, halka sidoo kale la filayo in ciidamo kale ay ka soo baxaan aagga Jalalaqsi.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan iyo dowladda federaalka, gaar ahaan arrinta mustaqbalka maamulka gobolka.
Maleeshiyaad fara badan oo ku gaashaaman hub iyo gaadiid dagaal ayaa ku sugan magaalada Beledweyne, halkaas oo Jimcihii ay si nabad ah ula wareegeen xerada Lama Galaay iyo xarumaha maamulka gobolka Hiiraan iyo degmada Beledweyne.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Dowladda Federaalku uu wajahayo xaalad khatar ah iyo caqabado la xiriira ciidan-yari, taasoo adkeyn karta in si degdeg ah loo buuxiyo goobaha ay bannaynayaan ciidamada ka goosanaya dowladda.
