Cutubyadii ugu horreeyey ee ciidamada Uganda oo ka shiraacday Muqdisho.

Saturday October 31, 2026 - 08:47:34
MeMO Staff
Dowladda Uganda ayaa bilowday in qaybo ka mida ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya, iyadoo maanta oo Sabti ah, Cutubyadii labaad oo ka tirsan ciidanka Uganda ay maanta oo Sabti ah duullimaadkii labaad oo ka kooban 107 askari ka baxeen caasimadda Muqdisho.
Duullimaadkii kan ka horreeyey ee koowaad oo ka koobnaa 109 askari ayaa galabnimadii Jimcaha ee shalay ka ambabaxay Muqdisho, kadib markii taliyaha guud ee dalkaasi uu habeenkii jimcaha ku dhawaaqay in ay bilaabeen in ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya.

Warbaahinta Uganda ee Chimp Reports, oo ka mid ah warfidiyeennada warkan baahiyey, ayaa tallaabadan ku tilmaamay astaan bilow u ah bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, oo muddo 20 sano ah duullaan saliibi ah kaga jiray Soomaaliya.

Cutubkan ayay warbixintu sheegtay in ay noqonayaan ciidamadii ugu horreeyey ee tiradooda si rasmi ah loo shaaciyo intii uu socday geeddi-socodka ka bixitaanku, inkastoo ciidamada Uganda aysan weli si madax-bannaan u xaqiijin tirada askarta baxday.

Wararka ayaa tilmaamaya in Uganda ay isku diyaarinayso inay ciidanka federaalka Soomaaliya ku wareejiso fariisimo ay ciidamadeedu ka deggenaayeen gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan magoolooyinka Baraawe, Buulo Mareer, Qoryooley iyo Jannaale.

Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo maalma ka hor uu Xasan Gurguurte kusoo hungoobay safar uu ku tagay Uganda isla markaana uu madaxweynaha dalkaasi kaga codsaday in dib loo dhigo bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences