Itoobiya oo lagu eedeeyey duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gudaha Suudaan.

Saturday October 31, 2026 - 17:00:49
MeMO Staff
Dowladda Suudaan ayaa sida lasoo wariyey, Itoobiya ku eedeysay in garoon diyaaradeed oo ku yaalla dhulkeeda loo adeegsado goob laga soo duuliyo diyaaradaha Drones-ka ee ay isticmaalaan maleeshiyaadka RSF, kuwaas oo dagaal kula jira milatariga Suudaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa maanta oo Sabti ah ku celisay eedeymaha ka dhanka ah Itoobiya, iyadoo ku eedeysay inay ku lug leedahay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu qaaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla Suudaan.

Wakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan, Mucaawiya Cusmaan Khaalid, ayaa sheegay in weerarradaasi lala beegsaday cisbitaallo, iskuullo, xarumo korontada laga dhaliyo iyo garoonka diyaaradaha Khartuum, ayna ku dhinteen kuna dhaawacmeen boqollaal qof.

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo dowladda Suudaan ay sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga soo duuliyo gudaha Itoobiya ay weerarro ka geystaan goobo kala duwan oo ku yaalla gudaha dalka Suudaan.

Warbixinno hore oo Reuters ay soo saartay ayaa sidoo kale sheegay in garoonka diyaaradaha ee Asosa, oo ku yaalla galbeedka Itoobiya, laga sameeyay dhismayaal iyo kaabayaal la xiriira hawlgallada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isla markaana ilo-wareedyo ay sheegeen in garoonka loo adeegsanayo taageerada RSF.

Related Items

Update cookies preferences