Taliyaha guud ee ciidanka dowlada Uganda ah-na wiilka uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Baadari Musafani ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabeen in ciidankooda ay kala baxaan Soomaaliya.
Janaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ku shaaciyay in ay bilaabeen in ciidamadooda kala baxaan dalka Soomaaliya oo duullaan gardarro ah ay ku joogeen mudo labaatan sano ah.
"Sida aan ballanqaadnay, waxaan bilownay ka saarista ciidamada UPDF ee Soomaaliya. Kadib 20 sano oo ay jireen dhiig badan oo daatay , waxaan amniga ku wareejinaynaa walaalaheenna Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Janaraal Muhoozi .
Tallabadaan ayaa imaanaysa iyadoo mudooyinkii danbe laga dayrinayay howlgalka ciidamada Afrikaanta, kadib dhaqaale yari xooggan oo soo foodsaartay iyadoo falanqeeyaasha qaar ay odorasayaan in howlgalku uu isagu is kala diro inta aanba lagu dhawaaqin dhamaadkiisa.
Ciidamada Uganda ayaa ku sugan qeybo kamid ah gobolka Shabeellada-Hoose iyo magaalada Mogdisho, waxaana la filaya in todobaadyada soo socda ay baneeyaan dagmooyin iyo deegaano muhiim ah oo katirsan shabellada-Hoose iyaga oo wada diyaar-garow xooggan.
Xasan Gurguurte madaxweynaha Villa Soomaaliya ayaa maalinkii isniinta socdaal deg deg ah ku tagay magaalada Kampala waxaana lagu wargaliyay in Uganda ciidankeeda la baxayso iyadoo sidookale lagu soo maray in uu la heshiisyo siyaasyiinta mucaaradka.
Cutubyadii ugu horeeyay oo ciidamo Uganadhiis ah ayaa dalka soo gaaray sanadkii 2007 xiligaas oo laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Mogdisho, waxayna mudo 20 sano ah ay dullaan ashahaado ladirirnimo ku joogaan dalka.
FG: Wararka deg-degga ah kala soco:
TELGRAM: https://t.me/SOMALIMEMONEWS2
